Saturday, July 27, 2024

In ka badan 100 arday oo lagu afduubtay Nigeria

Abuja (Dawan)- Warbaahinta Nigeria ayaa Khamiistii shaacisay in dagaalamayaal ka tirsan ururka Boko Haram ay afduubteen in ka badan 100 arday iyo dhowr Macallin kuwaas oo ku sugnaa iskuul ku yaala waqooyi galbeed ee dalkaas.

Kooxda ardayda afduubatay ayaa soo weeraratay iskuul ku yaal magaalada Korega iyagoo wata mootooyin, waxaana ay kaxeysteen in ka badan 100 arday oo da’doodu u dhaxeyso 8 ilaa 15 jir, iyo tiro Macallimiin ah kadibna waxa ay u wateen goob aan la garanayn.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhaawacamay mid ka mid ah ardayda kadib markii xabbad lagu furay, kadibna loola cararay isbitaal ku dhow magaalada si loo daweeyo.

Nigeria ayaa dhawaanahann wajaheysay weeraro ay geysanayaan kooxo hubeysan iyo sidoo kale ururada Boko Haram iyo ISWAP oo dagaal kula jira ciidamada dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here