Odayaal sheegtay inay yihiin odayaasha dhaqanka ee nabadaynta u joogay deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in la afduubtay.
Odayaashan oo la hadlay warbaahinta dowlad deegaanka ayaa ku adkeystay inay si nabad ah ugu sugan yihiin magaalada Jigjiga, iyagoo tilmaamay in wararka ku saabsan afduubkooda ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Odayaasha ayaa intaa ku daray inay halkaas kula kulmeen mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo xubnaha Golaha Nabadda iyo Midnimada DDS. Waxay sheegeen inay maanta bilaabi doonaan wada-hadallo muhiim ah oo ku saabsan xalinta xiisadda ka taagan deegaanka Dacawalay.
Hadalka odayaasha ayaa yimid ka dib markii Somaliland ay shalay war-saxaafadeed ku eedeysay Ciidamada Liyuu Booliska ee DDS inay tacaddiyo ba’an ka geysteen deegaanka Dacawalay, oo ay ku jirto xasuuq iyo afduub. Wasiirka Amniga Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, oo ku hadlayay magaca Somaliland, ayaa sheegay in Ciidamada Liyuu Booliska ay afduubeen madax dhaqameed ka soo jeeda Somaliland kuwaas oo halkaasi u joogay dhexdhexaadin iyo daminta colaadda.
“Ciidamada Liyuu Booliska ayaa deegaanka Dacawalay ka afduubay madax dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaas oo halkaas u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda ka dhacday maalmihii u dambeeyey. Tani waa gef iyo xadgudub cad,” ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in lagu wado wada-hadal rasmi ah oo maanta ka dhici doona xadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland, si xal waara looga gaaro xiisadda ka taagan xadka labada dhinac.
Deegaanka Dacawalay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Arbacadii lagu soo warramay inuu ka qarxay dagaal xooggan, halkaas oo ay ku dhinteen dad badan, kuwo kalena ku dhaawacmeen. Dagaallada ayaa la sheegay inay u dhexeeyeen ciidamada amniga gobolka iyo dad hubeysan oo rayid ah. Somaliland ayaa dhacdadan ku tilmaantay “xasuuq” lagu bartilmaameedsaday xoolo-dhaqatada aan waxba galabsan.
Dhanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya wax war rasmi ah lagama soo saarin dagaalka Dacawalay. Si kastaba ha ahaatee, xogta laga helayo dagaalka ayaa weli kooban, maadaama isgaarsiinta deegaanka ay go’an tahay.