Sunday, May 19, 2024

Midowga Yurub oo 110 Milyan oo Yuuro ku taageeraya Amniga Soomaaliya

Brussels (Dawan)- Midowga Yurub ayaa xoojiyay taageerada uu u fidiyo dadaallada amniga ee Soomaaliya iyadoo loo qoondeeyay maalgelin cusub oo dhan 110 milyan oo Yuuro, sida uu go’aamiyay guddiiga siyaasadda iyo amniga ee Midowga Yurub.

Taageeradaan cusub ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu taageero sidii mas’uuliyadaha amniga ay ciidamada Soomaaliya ugala wareegi lahaayeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo dhammaadka sannadkan 2024.

Dhinacayda uu Midowga Yurub taageerada ku bixinayo waxaa ka mid ah baahiyaha dhanka gunnooyina ee ciidamada Afrika iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

Kaalmadan ayaa looga gol leeyahy in lagu hormariyo nabadda iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaana dhulka Soomaaliyeed, iyada oo diiradda la saarayo qorshaha kala guurka amniga Soomaaliya.

Hawlgalka nabad ilaalinata Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo taageero dhinaca saadka ah ka helaya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa soo gabagabeeyey bishii February wejigii labaad ee dhimista ciidamada ku sugan gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu guuleystay in dalka laga saaro 3,000 oo askari, iyada 7 Saldhig lagu wareejiyay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya halkaa laba saldhig la xiray.

Saldhigyada ay ATMIS ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya waxaa ka mid ah saldhigga qaabilsanaa ilaalada Aqalka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay ku sugnaa jireen Ciidamada ka socday dalka Uganda, Biyo Cadde , Raaga Ceelle, iyo Qorillow oo ay ka howl geli jireen Ciidamada Burundi ee Qeybta Shanaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here