Saturday, January 4, 2025

AUSOM: Qorshaha Cusub ee Amniga Soomaaliya iyo Jabuuti

Jabuuti, Diseembar 29, 2024 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti, iyagoo diiradda saaray isbedellada ka socda Soomaaliya iyo hirgelinta howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSOM (African Union Support Operations in Somalia).

Kulankan, oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin sar-sare oo labada dowladood ka kala socda, ayaa sidoo kale lagu adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada nabadda, amniga, iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in howlgalkii hore ee ATMIS uu dhammaaday, iyadoo hadda la guda galayo AUSOM, oo ah qorshe kumeel gaar ah oo loogu talagalay in Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka. “Waa marxalad muhiim ah oo Soomaaliya ay u gudbayso mas’uuliyad buuxda oo dhinaca amniga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Caqabadaha Howlgalka AUSOM

Howlgalka cusub ee AUSOM ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Maalgelin yari: Kharashaadka loo baahan yahay ayaan wali loo heyn ballan qaadka deeq bixiyeyaasha.
  2. Ka bixitaanka Burundi: Dalka Burundi, oo ka mid ahaa kuwa ugu weyn ee ciidamo ugu deeqay ATMIS, ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo AUSOM sababo la xiriira khilaafaad ay soo kala dhex galan dwoladda Soomaaliya.
  3. Ka maqnaanshaha Itoobiya: Dowladda Soomaaliya ayaa go’aansatay in Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin dalalka ciidanka ugu deeqaya AUSOM, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan awoodda howlgalka cusub.

Taageerada Jabuuti

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ballan qaaday in Jabuuti ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya. “Jabuuti waxay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, waxayna diyaar u tahay inay ka shaqeyso xasiloonida iyo horumarka gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorkooda muhiimka ah ee nabad ilaalinta, isagoo adkeeyey in iskaashiga istaraatiijiga ah uu yahay mid lagama maarmaan u ah mustaqbalka nabadda iyo horumarka labada dal.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo ay ku dhiseyso awooddeeda amni. Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha ka jira howlgalka AUSOM ayaa muujinaya dhibaatooyinka la xallinayo si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

Waxaa la sugayaa in Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda ay u gudbaan sidii ay uga adkaan lahaayeen caqabadaha jira, loona xaqiijin lahaa nabad waarta iyo amniga gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here