Saturday, July 27, 2024

Itoobiya iyo Somaliland oo ka wada hadlay iskaashi military

Addis Ababa (Dawan)- Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa Isniintii yeeshay wadahadalo la xiiira sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga military ee labada dhinac.

Weftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Taliye Nuux ayaa Axaddii ka dhoofay Magaalada Hargeysa, si ay u billaabaan iskaashi dhinaca military-ga ah oo ay la yeelanayaan Ciidamada Itoobiya ka dib heshiiskii Is-afgaradka ee laba dhinac kala saxiixdeen January 1, 2024

Dowladda Itoobiya iyo Somailand ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiska dhanka Badda, inkasta oo ay diidmo adag kala hor timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashada Taliye Nuux ayaa kusoo beegmeysa iyada uu Wasiirkii Gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Axaddii iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda.

Xogta laga helayo is-afgaradka heshiiska ayaa tilmaameysa in Itoobiya ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho iyo saldhig ciidankeeda Baddu ay isticmaalaan halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay uga baxeyso go’doomin ay ku jirtay in ka badan soddon sano iyada oo laga yaabo in ay saami ka hesho Shirkadda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here