Saturday, January 4, 2025

Jabuuti iyo Itoobiya oo Xoojinaya Xiriirkooda

Jabuuti, Diseembar 29, 2024 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedion Timothewos, ayaa xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, isagoo ay wehlinayeen wafdi ballaaran oo ka socda dowladdiisa. Waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Mahamoud Ali Youssouf.

Booqashadan ayaa lagu micneeyay mid lagu xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee Itoobiya iyo Jabuuti. Maanta ayaa la filayaa in labada dhinac yeeshaan wada-hadallo heer sare ah oo diiradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dhaqaale, ganacsiga, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa boggeeda X ku shaacisay in booqashadan ay muhiimad gaar ah u leedahay xiriirka labada dhinac. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa maanta soo gaaray Jabuuti si uu u sameeyo wada-hadallo laba geesood ah. Wafdiga Itoobiya ayaa la filayaa inay la kulmaan madax sare oo ka tirsan Jabuuti si loo xoojiyo xiriirka labada dhinac.” Ayey tiri wasaaradda

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Mahamoud Ali Youssouf, ayaa farriin soo dhigay boggiisa X, isagoo sheegay:

Xalay waxaan ku soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti walaalkay Dr. Gedion Timothewos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkiisa labaad. Waa fursad weyn oo dib loogu qiimeynayo xiriirka laba geesoodka ah ee dalalkayaga walaalaha ah.”

Iskaashiga Dhaqaale ee Labada Dal

Jabuuti iyo Itoobiya waxa ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo dhaqanka ah. Itoobiya, oo ah dal ku tiirsan dekedaha Jabuuti ayaa si ay badeecooyinkeeda u gudbiso, muhiimad gaar ah u leh dhaqaalaha Jabuuti. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhawaad 90% badeecooyinka Itoobiya ay ka soo galaan dekedaha Jabuuti, halka Jabuuti ay ka faa’iideysato suuqyada Itoobiya oo ballaaran.

Mashruucyada waaweyn sida dib-u-habaynta tareenka Addis Ababa-Jabuuti ayaa sare u qaaday iskaashiga dhaqaalaha ee labada dal. Tareenkaas ayaa fududeeyay isu socodka ganacsiga, badeecooyinka, iyo dadka, taasoo kobcisay xiriirka dhaqaale iyo bulsho.

Iskaashiga Amniga

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo Diseembar 23-keedii, labada dal ku heshiiyeen in la sameeyo guddi wadajir ah oo lagula dagaallamayo “xoogagga nabad-diidka” ee ka hawlgala xuduudahooda. Heshiiskan ayaa la gaaray kadib kulan ka dhacay Addis Ababa, oo dhexmaray Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee Itoobiya (NISS) iyo Hay’adda Sirdoonka Jabuuti.

Guddi wadajirka ah oo labada dhinac ah ayaa la filayaa inuu xoojiyo amniga xuduudaha iyo iskaashiga la dagaallanka caqabadaha ay ka mid yihiin argagixisada iyo dambiyada xuduudaha. Tani waxay kaalin muhiim ah ka qaadan doontaa nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Wada-hadallada maanta la filayo inay qabsoomaan ayaa u muuqda kuwo taariikhi ah, iyadoo la rajeynayo in heshiisyo dhowr ah laga gaaro arrimaha muhiimka ah. Labada dhinac ayaa uga gol leh wada-shaqeyntan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, loo xoojin lahaa nabadda, isla markaana loo hubin lahaa xasilloonida gobolka.

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii adkeynta xiriirkooda walaalnimo, taas oo ay u arkaan tiir muhiim ah oo ay ku tiirsan yihiin horumarka iyo nabadda gobolka Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here