Monday, February 3, 2025

Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay!

Sayyid Omar,
Weriye, Dawan,
@SayyidOmer

Hargeysa, Somaliland – Dab xooggan ayaa xalay saqda dhexe ka kacay Suuqa Idaacadda, oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa. Ciidamada dabdemiska, booliska iyo shacabka deegaanka ayaa si wadajir ah uga qeyb qaatay daminta dabka, kaas oo saacado badan qaatay sababo la xiriira waddooyinka yaryar ee suuqa dhexdiisa, kuwaas oo hakiyay in gurmadku si fudud u galo. 

Dabka ayaa sababay khasaare maaliyadeed oo xooggan, balse lama soo werin wax khasaare nafeed ah. Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo booqday goobta uu dabku saameeyay, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga yeesho qorshe qaran oo wax looga qabanayo gubashada soo noqnoqotay ee suuqyada. 

“Dabku wuu nagu soo noqnoqday, halbowlayaashii dhaqaalaheenana wuu burburiyay, arrintaasna waxay u baahantahay talo qaran. Waddooyinka iyo suuqa sida uu u dhisanyahay, waxaanu ka yeelan doonaa qorsheyaal iyo talooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri madaxweyne Cirro. 

Sanadihii u dambeeyay, suuqyada Soomaalida waxaa ku soo badanayay dababka geysta khasaare baaxad leh, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro baaritaan rasmi ah oo si qoto dheer u eegaya sababaha keena dabkan soo noqnoqda iyo tallaabooyinka lagu xakamayn karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here