Mogadisho, Somaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallada ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kuwaas oo ay ku tilmaantay daandaansi ka dhan ah Boqortooyada Sucuudiga.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay wax laga xumaado tahay hadallada xanafta leh ee Netanyahu, kadib markii uu soo jeediyay in Sacuudiga laga dhiso dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin maadaama Sacuudigu uu heysto dhul ballaaran. Wasaaradda ayaa hadalkan ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
“Dowladda Soomaaliya waxay adkeynaysaa in hadalka Israa’iil uu khatar weyn ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu carqaladeynayo dadaallada nabadeed. Waxaan sidoo kale diiddannahay tallaabo kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkeeda ku xaqiijisay in ay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyada oo mar kale muujisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta madaxbannaanida, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
Falcelintan ayaa daba socota wareysi uu dhawaan bixiyay Netanyahu, kaas oo uu ku soo jeediyay in Boqortooyada Sucuudigu martigeliso dowlad Falastiini ah oo laga dhiso dhulkeeda, maadaama ay leedahay dhul ballaaran. Arrintan ayaa dhalisay cambaareyn xooggan oo uga timid dalal badan oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Masar, iyo Urdun.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ayaa si adag u diiday hadalka Netanyahu, iyada oo sheegtay in shacabka Falastiin ay leeyihiin xaq ay ku helaan dalkooda hooyo, ayna tahay mid aan la aqbali karin in xal kale loo raadiyo arrintaas.
Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si adag uga falceliyay hadallada Netanyahu, iyaga oo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida Sucuudiga iyo arrimaha Falastiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan hore u caddeysay mowqifkeeda ku aadan madaxbannaanida dhulka iyo shacabka reer Falastiin, iyadoo markale adkeysay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta xuquuqda shacabka Falastiin iyo in la dhowro shuruucda caalamiga ah.