Friday, March 14, 2025

Jabuuti oo sare u qaadaysa awoodda gurmadka degdegga Ah!

Shire Cabdi

Jabuuti  – Jabuuti ayaa martigelisay dhoolatus ballaaran oo lagu baranayo samatabbixinta iyo badbaadinta dadka la kulma shilalka badda. Dhoolatuskan, oo ka dhacay xeebaha Jabuuti, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo gurmadka degdegga ah, si wax looga qabto halista ay la kulmaan dadka doomuhu la qalibmaan sida ay sheegtay dowladda Jabuuti.

Munaasabaddan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, ayaa waxaa hormuud u ahaa Wasiirka Caafimaadka ee Jabuuti. Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Jaamacadda Jabuuti iyo hay’adaha samatabbixinta, gaar ahaan kuwa Faransiiska oo khibrad sare u leh arrimaha badbaadinta badda.

Intii uu dhoolatusku socday, waxa lagu tijaabiyey hab-raaca samatabbixinta, laga billaabo gurmadka goobta shilka ilaa daaweynta dadka la badbaadiyo. Waxaa la tusaaleeyey sida loo samatabbixin karo dad saaran doon la qalibmatay, iyadoo la adeegsaday farsamooyin casri ah. Intii ay socotay tijaabadan, waxaa la badbaadiyey 30 qof oo loo qaaday goobaha caafimaadka si loo siiyo daryeel degdeg ah.

Dhoolatuska waxaa ka qayb galay waaxyaha kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan booliska xeebaha, jandarmaariga, ciidamada milatariga iyo laamaha caafimaadka. Wasiirka Caafimaadka oo goobta ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu barnaamijkani u leeyahay Jabuuti, maadaama ay tahay dal xeeb ku yaalla oo si joogto ah uga faa’iidaysta marinnada badda.

“Musiibadu waa mid aan cid gaar ah u harin, waqti cayimanina ma laha. Sidaas darteed, waa in aan diyaar u ahaano xaalad kasta. Waan mideysanahay, waxaana naga go’an in aan sii xoojino tababaradan si bulshada si degdeg ah ugu jawaabto haddii ay musiibo dhacdo,” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Magaalada Jabuuti, Cabdi Sikiye Qayaad, oo isaguna ka qayb galay dhoolatuska, ayaa uga mahadceliyay dhammaan hay’adaha ka qeyb galay, gaar ahaan booliska xeebaha, jandarmaariga iyo laamaha caafimaadka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay tijaabadan.

Dhoolatuskan ayaa lagu wadaa inuu sare u qaado awoodda laamaha gurmadka degdegga ah ee Jabuuti, si ay uga falceliyaan shilalka ka dhaca xeebaha dalka, loona badbaadiyo nolosha dadka la kulma xaaladaha adag ee badda.

Jabuuti ayaa marar badan martigelisay shilal ka dhaca xeebaheeda ama agagaarkeeda, kuwaas oo isugu jira tahriibayaal iyo shilal maraakiib iyo doonyo ganacsi la xiriira kuwaas oo ku qaalibma.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here