Saturday, July 27, 2024

Muxuu yahay mowqifa Sacuudiga ee heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland?

Riyaad (Dawan)- Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan heshiiskii is-afgradka ahaa ee dhex maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland , iyada oo sheegtay in ay garab taagantahay midnimada dhuleed iyo gobonimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Sacuudiga waxaa lagu sheegay in oo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi’da deris-wanaagga, muhiimadda koowaadna la siiyo xasiloonida Gobolka iyada oo ay iskaashanayaan Dowladaha Gobolka.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kusoo biirtay Ururada Caalamiga iyo Dowladaha sida cad uga hor yimid heshiiska ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku hesho Bad.

Soomaaliya ayaa billaawday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskii Badda ee dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan january.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaansha iyo   xasiloonida Gobolka.

 Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay Itoobiya uga digtay isku day kasta oo xad gudub ku ah gobanimada, madax bannaaninda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in ay qaadeyso tillaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso tillaabada ay qaaday Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here