Wednesday, March 12, 2025

SSC Khaatumo oo isku khilfaasan dhismaha guddiga Dasrtuurka

Sayyid Omar

Laascaanood, SSC-Khaatumo – Xubno kamid ah baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa shalay qabtay shir jaraa’id oo ay sheegeen in ay uga hadlayaan is hortaag lagu sameeyay soo jeedin ka dhan dhismaha guddiga dastuurka SSC-Khaatumo.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo in uu ku xadgudbay axdiga xeer-hoosaadka Baarlamaanka SSC-Khaatumo, isla markaana uu soo xiray fadhigii golaha oo ka furnaa ka doodista xeerar kala duwan.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sida ay sheegeen cuskanaya Axdiga Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatumo, kaas oo qoraya in laga hadlo arrimaha hortebinta u leh masiirka SSC-Khaatumo.

“Guddoonka waxaan u gudbinay mooshin aan ku dalbanayno in xeerka dhismaha guddiga dastuurka golaha la horkeeno, isla markaana laga doodo, lana meel mariyo. Sidoo kale, guddoonka waxa uu xiray fadhigii golaha, iyada oo horyaalaan ansixinta hantidhowrka guud iyo akhrinta xeerka shaqaalaha rayidka ah, xildhibaanaduna ay diyaar u ahaayeen,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen xildhibaanada.

Dhankiisa, guddoomiyaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo, Jaamac Yaasiin Warsame, ayaa sheegay in soo jeedinta xildhibaanada uu soo maray dhammaan habraacyadii looga baahnaa, loona gudbinayo hay’adaha ay khusayso si ay uga soo talo bixiyaan.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in soojeedin kasta oo aan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, oo u baahan in la hubiyo sharcinimadeeda, uu u gudbinayo hay’adaha ay khusayso, si ay uga soo talo bixiyaan muddo aan ka badnayn saddex maalin shaqo.

“Waxaan ku wargelinaynaa xildhibaanada soojeedinta soo gudbiyay in hindise sharciyeedka dhisidda guddiga dastuurka SSC-Khaatumo uusan ku caddayn axdiga SSC-Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho midna, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga soo talo bixiyaan sharcinimada iyo sharci la’aanta mooshinkan,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo.

Khilaafkan ayaa ku soo aadaya iyadoo hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo uu dhammaadka sanadkii hore ku dhawaaqay in ay lagama maarmaan tahay in SSC-Khaatumo ay ka baxdo ku meel gaarnimada, lana magacaabi doono guddi diyaariya dastuur loo dhanyahay oo ay yeelan doonto SSC-Khaatumo, kuwaas oo gebagabayn doono bartamaha sanadkan ee May ama June.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here