Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo walaac xoogan ka qabta isbaheysi dhax mara Xuutiyiinta iyo AS

Nairobi (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay saameynta ka dhalan doonta suurta galnimada isbaheysi dhax mara kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ka dagaalameysay gudaha Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Jabriil oo wareysi siiyay wargeyska The East African ayaa tilmaamay saameynta ay weerarada Xuutiyiintu ku yeelan karaan dhaqaalaha Soomaaliya iyo inuu jiro walwal kale oo ah in ay argagixisadu ku xoogeysato Gobolka.

“Marka ay Xuutiyiintu  carqaladeeyaan ganacsiga caalamiga ah, macnaheedu waa inuu saameyn doono  dhaqaalaheenna. Waxaan sidoo kale walwal ka qabnaa in  falalka argagixsadu ku bataan Gobolkeena” ayuu yiri, Danjire Jabriil.

Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ay  jirto casbi ah in Kooxda Xuutiyiintu ay hub iyo saanad kale oo ciidan ay siiso kooxda Al-Shabaab, isaga oo yiri, “ Waxaan ka walaacsanahay arrimo la xiriira argagaxisada, burburinta dhaqaalaha iyo in Al-Shabaab ay  hub badan iyo saanad sharci darro ah ka helaan  Xuutiyiinta”

Sidoo kale, safiirku waxa uu caddeeyay in haddii isxulufyesi dhax maro labada koox ay ka dhalan doonto saameyn ballaaran oo ka baxsan awoodda iyo gudaha Soomaaliya.

“Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo gacmaha isqabsada waxaa ka dhalan doona  saameyn ballaaran oo ka baxsan Soomaaliya” ayuu yiri, Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

 Danjire Jabriil, waxa uu dhanka kale tusaale usoo qaatay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideysatay heshiiska dhax maray Itoobiya iyo Somaliland ee Badda, waxa uuna carrabka ku dhuftay in Al-Shabaaab ay ciidameysay  in ka badan 5,000 oo dhallinyaro ah, iyada oo marmarsiyo ka dhiganyeysa in Dowladda Soomaaliya aysan difaaci karin dhulka Soomaaliyeed.

Kooxda Al-Shabaab

Kooxda Al-Shabaab, waxa ay ku xirantahay fikirka Al-Qaacidda, waxeyna dagaal kula jirtay Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ku dhawaad 20 sano, iyada oo sheegatay mas’uulioyadda howlgallo badan oo galaaftay nolosha dad badan.

 Dowladda Mareykanka ayaa hore u shaacisay in abaal marin lacagaeed oo gaareysa 10 malyan oo dollar la siin doono cidii soo sheegta macluumaad ku saabsan Amiirka Al-shabaab ,Axmed Diiriye oo ku magac dheer Abuu Cubeyda.

Abuu Cubeyda ayaa ah hogaamiyaha Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn lagu dilay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Mareykanka ayaa ku eedeyay hogaamiyaha Al-Shabaab inuu ku lug lahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Jabuuti oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay Axmed Diiriye sannadkii 2015.

Bishii Abriil 2010, guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cuna qabateynta Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kusoo rogay cuna  qabateyn.

Dowladda Mareykanka ayaa malaayiin dollar dul dhigtay hoggaamiyaasha kooxda Al-shabaab ee kala ah Axmed Diiriye, Mahad Karataay iyo Jihaad Mustafa.

Kooxda Xuutiyiinta

Kooxda Xuutiyiinta, magaceeda rasmiga waa Ansaru Allah balse waxa ay caan ku tahay kooxda Xuutiyiinta iyada oo loogu abtiriyay aas-aasiheedi Badar Al-Diin Al-Xuuti.

Waa koox shiico ah oo awood badan ku leh dalka Yemen, waxeyna xiriir xoogan la leedahay Dowladda Iran.

Kooxdu waxa ay dagaal la gashay Dowladda la aqoonsanyahay ee Yemen kadib kacaankii kurisga looga tuuray Cali Cabdalla Saalax oo muddo dheer dalkaas xukumayay, kadiban waxay dagaal lagu hoobtay la gashay isbaheysigii uu Sacuudiga hogaanminayay.

Hadda waxaa socda wada hadal u dhaxeeya Dowladda Yemen iyo Kooxda oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka daba dheeraaday kadibna lagu dhiso Dowlad lagu mideysanyahay.

Markii uu billawday dagaalka Israel iyo kooxda Xamaas ee Falastiin, waxa ay Xuutiyiintu weerar ku qaadeen Maraakiibta ganacsi ee ku sii jeeda Israel ee mareysa Badda Cas oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan dunida ee ay maraan shixnadaha shidaalka,

Kooxdu waxa ay weeraradeeda ku micneysay taageero ay siineyso Falastiiniyiinta ay Israel ku go’doomisay Gaza

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britain ayaa fuliyay weeraro badan oo ay ku qaadeen xarumaha Xuutiyiinta, inkasta oo aysan ilaa hadda ku guuleysan in ay joojiyaan weerarada ay kooxdu ka geysato Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here