Wednesday, March 12, 2025

Soomaaliya oo la wareegaysa hoggaanka Hindisaha Geeska Afrika

By Sayyid Omar

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegi doonta hoggaanka Hindisaha Geeska Afrika bisha April ee sanadkan 2025, ka dib markii Itoobiya ay hoggaaminaysay muddo laba sano ah. Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii 23-aad ee Wasiirrada Maaliyadda ee ku mideysan Hindisaha Geeska Afrika oo ka dhacay Addis Ababa, halkaas oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iiman Cige, uu uga qaybgalay. Soomaaliya ayaa xilkan kula wareegi doonto magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shirka oo socday muddo saddex bilood ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista guulihii laga gaaray shantii sano ee la soo dhaafay iyo dejinta istaraatiijiyad cusub oo lagu taageerayo mashaariicda horumarineed ee Geeska Afrika.

“Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ka hadlay shirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo maalgashiga mashaariicda horumarinta dhaqaalaha, isaga oo si gaar ah u xusay baahida loo qabo in Soomaaliya loo helo ilo maalgelin oo gaar ah.” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa sheegatay intii ay hoggaanka heysay in la gaaray guulo muuqda oo dhinacyo badan leh, oo ay kamid yihiin, fududeynta ganacsiga iyo isku xirka suuqyada gobolka, horumarinta nidaamka kastamyada si loo yareeyo caqabadaha ganacsiga iyo isku xirka hay’adaha gobolka si loo xoojiyo iskaashiga dalalka hindisaha ku mideysan.

“Hindisaha waxa uu qorsheynayay in la ururiyo 15 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka. In ka badan kala bar lacagtaas ayaa horey loo helay, iyadoo lagu helay taageerada ka imaanaya hay’adaha caalamiga ah.” ayaa lagu yiri bogga Wakaaladda Wararka Itoobiya


Hindisaha Geeska Afrika, oo ay xubno ka yihiin dalalka Itoobiya, Jabuuti, Ereteriya, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan, lana aasaasay October 2019 ayaa taageera mashaariicda is-dhexgalka kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, horumarinta awoodda wax ka qabashada caqabadaha dabiiciga ah iyo kuwa bani’aadamka, iyo horumarinta kheyraadka aadanaha iyadoo bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka ay taageerayeen Hindisaha tan iyo markii la aasaasay. Sidoo kale Jarmalka, Boqortooyada Ingiriiska iyo Bangiga Carabta ee Horumarinta Dhaqaalaha Afrika ayaa dhawaan ku biiray Hindisaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here