Saturday, March 15, 2025

Soomaliya oo shaacisay dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM

By Sayyid Omar

La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda ku sheegay in la soo gebagebeeyay tirada waddamada ka qeybgelaya howlgalka cuub ee AUSSOM, kaas oo sanadkan ka bilowday Soomaaliya.

Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qeybgelaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas oo kala hoggaamin doona shanta qeyb ee howlgalkan, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS, la-taliyha ma uusan sheegin tirada ciidamada ee dal walba ku yeelanayo, balse warbixin hore ayaa lagu koobay tirada askarta ka qeyb qaadanaya in ay dhanyihiin 12,626 oo askari oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah oo ka kala socda wadamada ka mid noqonaya AUSSOM.

“Maanta waxaa la soo gebagebeeyay howlihii harsanaa, shan dal ayaa kala hoggaaminayo shanta Sector oo kal ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahoodii la soo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay arrinta Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamo cusub oo la keeno ay ka door bideen kuwa Itoobiya, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxaa u soo baxday maadaama dhul ballaaran ay joogaan ciidanka Itoobiya ay ka fududahay in ay iyaga sii joogaan, iyada oo lagu dabraayo qaabkii ay u dhaqmi jireen iyo wixii ka horreeyay xilligan in ay isbeddalaan oo noqoto in ay ixtiraamaayaan gobonimada Soomaaliya oo Dowladda Federaalka wax weliba uga dambeynaayaan” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

Sidoo kale, Xuseen Macalin ayaa soo hadal qaaday doodda ka taagan arrinta Masar iyo Itoobiya oo is haya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan waxba iska quseen waxa ka dhaxeeya labada dal iyo howlgalka cusub, isla markaana dowladda Soomaaliya ay fiirineyso danaheeda oo keliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here