Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo xoogga saareysa hubinta tayada dawada laga keeno dibadda

Jabuuti (Dawan)- Shirweynaha dawooyinka caafimaadka ayaa ka furmay Jabuuti, iyada oo looga doodayo sannadkaan hubinta tayada dawada laga keeno dibadda iyo ilaalinta caafimaadka muwaadiniinta Jabuuti.

Sanduuqa Qaran ee daryeelka Bulshada oo kaashanaya shirkadaha sheybaarka dawooyinka ayaa soo agaasimay shirweynahaan oo socon doona muddo seddex maalin ah.

Wasiirka shaqada ee Jabuuti, Cumar Cabdi Saciid, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la qabto shir nucaan ah iyo tillaabooyinka lagu hubinayo helitaanka dawooyin tayo leh iyo agab caafimaad oo casri ah.

Dhankiisa, Wasiirka Caafimaadka Jabuuri, Dr. Axmed Rooble Cabdulle, ayaa tilmaamay in nidaamka caafimaadku u baahanyahay in looga shaqeeyo si wada jir ah si bulshada looga haqab tiro dhinaca adeegyada caafimaadka.

Wasiirka ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya caafimaadka in ay la yimaadaan hal abuur cusub oo wax looga qabanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyada oo laga faa’iideysano heerka laga gaaray tignoolajiyada dunida.

Deeqa Axmed Rooble, oo ah agaasimaha Sanduuqa Qaran ee daryeelka Bulshada ayaa sheegtay in shirweynahaan looga gol leeyahay in xal waara loo helo dhibaatooyinka soo wajaha qeybaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo baahida ay bulshadu u qabto in ay hesho dawo tayo leh .

Hiigsiga dowladda Jabuuti ee 2035-ka ayaa ah in horumar ballaaran laga gaaro dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here