Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u dhaliilay kooxaha uu ku tilmaamay inay ka soo horjeedaan horumarka dalka, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay Al-Shabaab, qaar ka mid ah Soomaalida iyo qeyb ka mid ah ajaanibta, xilli uu khudbad ka jeedinayay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay jiraan dad Soomaali ah oo aan dan ka lahayn baraaraha dalka, balse ka macaasha dhibaatooyinka ka jira, halka ajaanibta qaar uu ku eedeeyay inay ka walaacsan yihiin haddii Soomaaliya ka maaranto kaalmadooda. Dhamaanna ay ka siman yihiin kuwa xalka u arga dhibaatada.
“Borobokaandada maalmahaan socoto Shabaabaa iska leh, asaa soo sameystay, nasiib darro kuwey heleeen message-gooda xanbaara oo u qaada oo meel walba u marsiiya oo u geeya oo Soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah ayaa la helay,” ayuu yiri madaxweynaha.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay khamiistii soo saartay digniin la xiriirta suurtagalnimada weeraro ka dhici kara goobaha muhiimka ah, gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Warbixintaas ayaa la fahansan yahay inay sababtay in shirkadaha diyaaradaha ee EgyptAir iyo Turkish Airlines ay hakiyaan duulimaadyadoodii Muqdisho, taasoo keentay walaac amni oo sii xoogeystay.
Madaxweynaha ayaa xusay in markii dagaalka tooska ah ee Al-Shabaab wax looga qaadi waayay, la bilaabay olole cabsi gelin ah oo bulshada lagu qalqal galinayo. Xasan Sheekh ayaa tusaale u soo qaatay afur wadareed ay Muqdisho ku qabatay Isbitaalka Hodan, taasoo uu ku tilmaamay caddeyn amniga sii hagaagaya ee caasimadda.
Dooddan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay wajaheyso dagaal xoogan oo ay kula jirto Al-Shabaab oo badi ka socda deegaanadda gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.