Tuesday, March 18, 2025

Soomaaliya oo Daah-Furtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029)

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029), oo ah istiraatiijiyad cusub oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, maamul-wanaagga, adeegyada bulshada, iyo u-adkeysiga isbeddelka cimilada iyo deegaanka.

Munaasabadda daah-furka, oo lagu qabtay Muqdisho 17-kii Maarso 2025, waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, wakiillo ka socda dowlad-goboleedyada, ganacsato, bulshada rayidka ah, iyo saaxiibada caalamiga ahRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo si rasmi ah u daah-furay qorshahan, ayaa xusay muhiimaddiisa.

“Qorshahani maaha qoraal kaliya, waa waddo mideysan oo qeexaya hannaanka horumarkeena. Waa qorshe loo dhan yahay oo hagaya isbeddelka dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ujeedada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Qorshahan wuxuu la jaan-qaadayaa Hiigsiga Qaranka 2060, kaasoo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto dal nabdoon, dimuqraadi ah, iyo dhaqaale kobcaya leh. Wuxuu ku saleysan yahay afar tiir waaweyn:

  1. Isbeddel Maamulka Dowladnimo – Xoojinta maamul-wanaagga, sharciga, hufnaanta dowladda, iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga.
  2. Isbeddel Dhaqaale Waara – Kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaale, ganacsiga, iyo maalgashiga.
  3. Isbeddelka Arrimaha Bulshada – Kor u qaadista waxbarashada, caafimaadka, daryeelka bulshada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarada.
  4. Deegaanka iyo Adkeysiga Cimilada – Wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka, yareynta halista musiibooyinka, iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo munaasabadda ka hadlay, ayaa xusay in qorshahan lagu dhisay cilmi-baaris qoto dheer iyo wadatashiyo ballaaran oo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Maanta waxaan soo gabagabeynay qorshe dhameystiran oo daahfuraya isbeddelka dalka. Qorshe kaliya kuma filna, wuxuu u baahan yahay fulin xooggan – haddii la hirgeliyo, waa isbeddel qaran,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Miisaaniyadda iyo Taageerada Bangiga Adduunka

Qorshahan wuxuu u baahan yahay miisaaniyad dhan $26 milyan, waxaana Bangiga Adduunka uu ballanqaaday taageero dhaqaale iyo farsamo.

Kristina Svensson, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in bangigu uu horey gacan uga geystay qorsheyntiisa, islamarkaana uu sii wadayo taageerada Soomaaliya.

“Bangiga Adduunka wuxuu safar dheer ku soo jiray taageerada Soomaaliya. Waxaan gacan ka geysannay Qorshihii Horumarinta 2020, waxaana diyaar u nahay inaan qeyb ka qaadanno hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025-2029,” ayay tiri Svensson.

Rajada Mustaqbalka iyo Wajiga Fulinta

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay munaasabadda ayaa ku baaqay in loo fuliyo qorshahan si sax ah, iyada oo laga hortagayo dib u dhac iyo wax-is-daba-marin.

Qorshahan wuxuu beddelayaa Qorshayaashii Horumarinta Qaranka, iyadoo laga doonayo inuu noqdo mid wax-ku-ool ah oo wax ka beddela xaaladda dalka.

Tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii, waxay diyaarisay sagaal qorshe horumarineed – todobo ka mid ah waxaa la sameeyay kahor burburkii dowladda dhexe, halka laba la diyaariyay wixii ka dambeeyay 2012.

Hadda, waxa laga sugayaa dowladda inay ka dhabayso qorshahaan, iyadoo la eegi doono sida uu uga hirgalo dhammaan gobollada dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here