Saturday, July 27, 2024

Maxaa yihiin qodobada ay isku mari la’yihiin Madaxweyne Xasan iyo Mucaaradka?

Muqdisho (Dawan)- 40 musharrax iyo xisbiyo mar qura wada gala ciyaarta kama dambeysta ah ee doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, sidee 2 musharrax oo ka kala socda kaliya 2 xisbi loogu soo koobi karaa?
Waa qorshaha cusub ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doonayo inuu ku qanciyo Mucaaradka ka hor inta aan la furin doodda Dastuurka.

Gogol uu Madaxweyne Xasan u fidyay Mucaaradka ayay kasoo qeyb galeen, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii ugu dambeeyay xilligii kumeel gaarka , Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheera Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabduqaadir Cosoble oo labaduba ah Xildhibaano, dhor jeerna isu soo taagay kursiga ugu sarreeya dalka.

Arrinta ugu weyn ee kulanka lagu lafa guray ayaa ah sidii la isagu qancin lahaa naqshadda iyo wax ka beddelka cusub ee la doonayo in lagu soo kordhiyo Dastuur-ka la dhameystiri waayay muddada dheer.

Dhowr qodob ayaa macquul ah in  laysku mari waayo kadibna ay ka dhalato natiijo ah in labada cirif la kala istaago.

Tartan xisbiyo iyo isreeb-reeb Siyasadeed:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qorsheynaya in dalku yeesho 2 xisbi siyaasadeed oo soo mara isreeb-reeb kuna tartama kama dambeynta doorashada Madaxweynaha.
Waa nidaam ku cuusb Dowladnimada casriga ee Soomaalida laakin caadi ka ah dunida kale.

Mucaaradku waxa ay qabaan taas cagsigeeda iyo in lagu socdo tabtii lagu geli jiray doorashada Soomaaliya ee ahayd in uu tartamo qof kasta oo iska bixin kara lacagta diiwaan gelinta doorashada Madaxtinimada.
Doorashadii ugu dambeysay ee May 2022-kii, waxaa ka qeyb qaadatay ku dhawaad 40 musharrax oo midkiiba bixiyay 40,000 oo diiwaan gelin ah.

Qof iyo Cod 

Doorashada tooska ah ee dadweynuhu u codeeynayaan Madaxweynaha waa qodob kale oo ay adagtahay in la isku fahmo, balse Madaxweyne Xasan waxaa ka go’an hirgelinta inuu qabto doorasho qof iyo cod ah kadib in ka badan 55 sano.

Mucaaradku arrintaas diyaar uma ah, waxeyna aaminsayihiin in doorasho toos ah aan la gelin karin xilligaan la joogo, iyaga oo doonaya in ay galaan doorashada loo yaqaano goobashada oo ay codeeyaan Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ku dhaamaata inta badan ku goobashada Madaxweynaha markaas xilka kasii dhamaanayo.

Hannaanka Madaxtooyada

Waa hannaan uu Madaxweyne Xasan doonayo in uu ka hirgeliyo dalka si uu ugu badbaado isku dhaca soo noqnoqda ee Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweyaha oo inta badan sabab u noqoda habacsanaanta nidaamka Dowladeed ee Soomaaliya iyo guul darrada Maxaadweynaha xilliga doorashada.

Xasan waxa uu qorsheynaya inuu sameeyo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Mucaaradku waxa ay ku dhegganyihiin nidaamkii lagu soo dhaqmayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ee Madaxweynuhu soo xulan jiray Ra’iisul Wasaare uusan xilka ka qaadi karin, in uu taagaaero mooshin ka helo Baarlamaanka ma ahane.
Waa hab ku dhisan iska daba jiitaan aan wax laga baran tan iyo markii dib loo yagleeyay Dowladnimada Soomaaliya, waxeyna u muuqataa in xal loo waayay ama aan si dhab ah loogu raadin.

Wada Ogol

Madaxweynaha ayaa doonaya in dhameystirka iyo wax ka beddelka Dastuurka loo daayo hay’adaha Dowladda ee ku shaqada leh inta kalena ay banaan joog ka ahaadaan.
Balse Mucaaradka sidaas kuma qanacsana, waxa ayna rabaan in laga tala geliyo oo ay awood qeybsi ku yeeshaan wax ka beddelka iyo dhameystirka Dastuurka.

Waa halbeeg u gooni ah siyaasadda Soomaaliya, in Madaxda joogta dabar looga dhigo in ay wax kasta ku dhameeyaan hannaan wada ogol ah.

Hadii lagu heshiin waayo qodobadaan maxaa xiga. Kala tag mise madal kale?

Sida la filayo uma badna in labada dhinac durba ku heshiin doonaan dhammaan balse waa suurta gal in qodobada qaar la isaga soo dhawaado.
Waxaa iyaduna dhici karta, in Mucaaradku xilli hore xoqdaan kaarka mucaaradnimada tooska ah oo ilaa iyo hadda aan soo shaac bixin.
Dadka sida gaarka ah u yaqaana Madaxweyne Xasan, waxa ay qabaan in uu madal kale ku ballami doono Mucaaradka, isaga oo maanka ku haya xigmadda Soomaaliyeed ee ah ” Xaajo markay murugto, waa la madlaa”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here