Garowe, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u diiday hirgelinta nidaamka Diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo ku tilmaamay mid aan lagu heshiin, xadgudub ku ah sharciyada, ayna khatar gelin karto amniga iyo xogta muwaadiniinta.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, Puntland ma aqbali doonto wax kasta oo sharci-darro ah oo lagu dhaqan gelinayo deegaannadeeda iyada oo aan wax wadahadal ah laga yeelan.
“Puntland waxay cadeynaysaa in aysan aqoonsaneyn, deegaanadeedana ka hirgelin doonin waxa loogu yeeray Diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sababaha Puntland uga Hortimid Diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa xusay saddex qodob oo waaweyn oo ay maamulka Puntland u aragto in nidaamkan uu yahay mid aan sharciyad buuxda lahayn:
- Amniga Xogta Muwaadiniinta – Puntland waxay sheegtay in nidaamka kaydinta xogta uusan laheyn hab-raac sugan oo lagu hubin karo sugnaanta iyo amniga xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
- Isticmaal Siyaasadeed – Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka in nidaamka aqoonsiga qaranka loo adeegsanayo arrimo la xiriira doorashooyinka halkii laga xallin lahaa dhibaatooyinka waaweyn ee dalka ka jira sida amniga iyo midnimada shacabka.
- Culays Dhaqaale – Puntland waxay sheegtay in nidaamka diiwaangelinta uu culays dhaqaale saarayo dadka Soomaaliyeed, iyada oo aan wax faa’iido ah laga helayn.
Wasaaradda ayaa uga digtay shacabka Puntland inaysan ka qaybgalin nidaamkan, iyagoo xusay in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin mashruuc la sheegay inuu yahay mid aan laga wada hadlin oo aan la isku waafaqsaneyn.
Puntland oo Samaysanaysa Kaarka Aqoonsiga Puntland
Dowladda Puntland waxay intaas ku dartay inay sameynayso Kaarka Aqoonsiga Puntland (Puntland State ID), kaasoo ay sheegtay in uu xoojin doono nidaamka maamulka gudaha Puntland, islamarkaana looga maarmaan doono nidaamka kaarka aqoonsiga ee dowladda federaalka.
Go’aankan Puntland ayaa sii adkaynaya khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, iyada oo maamulka Puntland horay si cad u sheegay mowqifkiisa ku aaddan madax-bannaanida maamulka deegaannadeeda.