Friday, March 21, 2025

Shirka nabadda ee Ceel Afweyn oo si rasmi ah u furmay

Ceel Afweyn, Sanaag – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Nabadaynta Qaran ee Ceel Afweyn, kaas oo looga gol leeyahay in xal waara laga gaadho colaadaha soo noqnoqday ee deegaanka.

Shirkan oo ka furmay Masjid Jaamaca ee Degmada Ceel Afweyn, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Nabadda Somaliland, iyada oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo heshiis rasmi ah loo dhex dhigi lahaa beelaha ku dagaallamay deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dedaalka Guddiga Nabadda, isaga oo xusay inay door muhiim ah ka qaateen nabadaynta gobolka.

“Guddiga waxaan ku ammaanayaa xaajada Ceel Afweyn in badan bay ku jireene, haddii maanta ay yiraahdeen masjidka aan geynno oon masaajidka la tagno bal si loo cabsoodo, aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka.

Xukuumadda oo Ballanqaaday Hirgelinta Heshiiska

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in nabadu tahay tiirka horumarka bulshada, loona baahan yahay in si daacadnimo leh loo wada shaqeeyo si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaanka.

“Haddii hore loo soo maray dadaallo nabadeed oo aan hirgelin, haddana diyaar baanu u nahay in wixii la go’aansado aan fulino, ha ahaado mid adag ama mid fudud. Dowlad ahaan, haddii Alle idmo, waan u taaganahay hirgelinta heshiisyada la gaaro,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxa uu caddeeyay in nabadaynta Ceel Afweyn aanay la mid ahayn qaramaynta, wuxuuna yiri:

“Qaramayntu waa arrin gooni ah, nabadayntuna waa arrin gooni ah. Labadaas arrimood lama is-barbar dhigi karo.”

Saamaynta Colaadda Ceel Afweyn

Colaadda Ceel Afweyn waxay saamayn ballaaran ku yeelatay gobolka Sanaag iyo Somaliland oo dhan. Sidaa darteed, Somaliland ayaa dadaal badan gelinaysa sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafaadka deegaanka.

Shirka nabadeed ayaa la filayaa inuu socdo maalmo, waxaana laga rajeynayaa in go’aamo rasmi ah laga soo saaro, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo wada-noolaanshaha beelaha deegaanka.

Degmada Ceel Afweyn, oo ku taalla gobolka Sanaag, ayaa muddo dheer la daalaa dhaceysay colaado beeleedyo soo noqnoqday. Tan iyo 2015, deegaanka waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya beelo halkaasi wada dega, kuwaas oo salka ku haya muranno dhuleed, biyo yarida, iyo loollan siyaasadeed.

Somaliland waxay ballanqaadday in heshiisyada laga gaaro shirka la hirgelin doono, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka hana-qaada gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here