Muqdisho, Soomaaliya – Shirkadda la-talinta difaaceed ee Turkiga ee SADAT, oo si weyn looga yaqaan gudaha Turkiga iyo meelo kale, ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay siiso Ciidanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Gaarka ah ee Soomaaliya, tababaro sare iyo adeegyo la-talin istiraatijiyadeed.
Bayaanka shirkadda oo soo baxay 4-tii Abriil 2025, ayaa lagu caddeeyay in SADAT ay diyaar u tahay inay taageerto Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda difaaceed, iyadoo bixineysa barnaamijyo tababar oo casri ah oo diiradda saaraya howlgallada gaarka ah, dagaalka magaalooyinka, ammaanka xarumaha, ilaalinta madaxda, la-dagaalanka argagixisada, iyo ammaanka xuduudaha.
“Waxaan diyaar u nahay inaan siino ciidamada Soomaaliya adeegyada tababarka ee aadka loogu baahanyahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dagaalka magaalooyinka, ilaalinta VIP-yada, iyo la-tacaalidda khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaanka SADAT.
Shirkaddu sidoo kale waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay bixiso la-talin istiraatijiyadeed iyo dhismeed oo lagu horumarinayo awoodda Hawlgalka Cirka ee Soomaaliya, si ciidanka cirka ee Soomaaliya uu ugu qeybqaato si wax ku ool ah amniga iyo hawlgallada difaaceed.
SADAT ayaa caddeysay inay u furan tahay booqasho rasmi ah oo ay ku timaado Soomaaliya haddii ay martiqaad ka hesho Wasaaradda Gaashaandhigga, si ay ugu soo bandhigto adeegyada ay bixiso iyo sida ay uga jawaabi karto baahiyaha istiraatijiyadeed ee ciidamada dalka.
Ka-Horjeedinta Eedeymaha Paramiliitari
Bayaanka shirkadda ayaa sidoo kale si adag u beeniyay eedeymo dhawaan lagu faafiyay warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo ku eedeeyay shirkadda inay Soomaaliya u dirtay ciidamo paramiliitari.
“SADAT ma bixiso, xaalad kasta ha noqotee, adeegyo paramiliitari ama shaqaale mushaarka qaata,” ayay ku adkaysatay shirkaddu.
SADAT waxay xustay in dhammaan adeegyada ay bixiso ay yihiin kuwa sharci ah, xirfad sare leh, islamarkaana ka madax bannaan hawlgal militari aan rasmi ahayn. Waxay ku tilmaantay wararka la faafiyay kuwo “been abuur ah oo lagu qalqalgelinayo sumcadda shirkadda”.