Saturday, July 27, 2024

Geelle oo daah furay bandhigga ganacsiga caalamiga ah ee Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa daah furay bandhiggii saddexaad ee ganacsiga caalamiga ah ee Jabuuti, kaas oo ujeeddadiisu tahay in lagu soo bandhigo dhaqaalaha, hal-abuurka iyo dhinacyada ganacsiga ee dalka Jabuuti.

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Jabuuti Yuusuf Muuse Dawaleh, Wasiirka Waxbarashada Mustafa Maxamed Maxamuud, xubno ka socday bandhigga, marti sharaf iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Carwada ganacsiga caalamiga ah ee Jabuuti ayaa sannadkaan lagu soo bandhigay fursadaha cusub ee ganacsi iyo sida loo sameyn karo iskaashi iyo wada shaqeyn dan u ah dadka iyo dowladda.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in munaasabaddaan ay soo jiidan doonto maalgashadayaasha Jabuuti, isla markaana ay xoojin doonto kaalinta ganacsi ee ay Jabuuti ku leedahay Gobolka.

“Waxaa sharaf ii ah inaan daah-furno bandhigga 3-aad ee Carwada Ganacsiga Caalamiga ah ee Jabuuti, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha ganacsi ee dalkeena iyo heerka uu dhaqaalaheena la egyahay. Dhacdadaan weyn waxay xoojinaysaa mawqifka Jabuuti Gobolka,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in munaasabaddaan muhiimka ah ay kor u qaadi doonto wax soo saarka Jabuuti, ganacsiga caalamiga ah iyo sidoo kale kobcinta fursadaha iskaashiga maaliyadeed.

Furitaanka ka dib, madaxweynuhu waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah , si meel la isula dhigo ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi, hal-abuurrada tignoolajiyada, iyo noocyada kala duwan ee badeecadaha iyo adeegyada.

Sanadihii la soo dhaafay, Jabuuti waxa ay dib u qaabeyn ku sameysay hay’addeeda qaabilsan maaliyadda, ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka, biyaha, guryaha, iyo hay’adaha kale ee dowladda si ay uga jawaabaan baahida muwaadinka sidoo kalena ay la jaan qaadan dunida casriga ah.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here