Monday, April 7, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka

Boosaaso, Puntland – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Afrika, Colonel ED Norris, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay magaalada Boosaaso.

Sida lagu sheegay xafiiska warfaafinta Puntland, kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, iyadoo la boggaadiyay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaallada ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari. Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siisay Puntland si looga sifeynayo argagixisada.

“Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ee ka dhanka ah argagixisada, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo gabagabeeyay go’aanada ku saabsan xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo hormariyo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here