Saturday, July 27, 2024

M/weynaha Masar: Ma ogolaa doono in amniga Soomaaliya wax loo dhimo

Qaahira (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa taageero buuxa ka heshay Dowladda Masar, kadib markii uu Madaxweyne Cabdifataax Al-siisi ku dhawaaqay in aysan ogolaa doonin in lagu xad gudbo madax bannaanida Soomaaliya.

Al-siisi ayaa hadalkaan sheegay mar ay shir jaraa’id wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh kadib kulan gaar ah oo ay wada yeesheen.

Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa hadalkii Al-siisii uu ka yiri, khilaafka Somaaliya iyo Itoobiya iyo heshiiskii Badda.

Walaalkey, mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aan walaalaha nahay.
Mudanayaal iyo Marwooyin.
Ii ogoolaada inaan marka hore soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo wafdiga la socda.
Waan ku faraxsanahay inaad nala joogtaan, waxaad Masar u tihiin marti sharaf leh

Waxaan idiin kugu hambalyeynaya guulihii aad gaarteen tan iyo markii aad hoggaanka dalka la wareegteen.
Arrintaas waxa ay noo tahay dhammaanteen wax na farxad gelinaya.

Soomaaliya inta uu hoggaanka u hayo Madaxweyne ( Xasan) waxa ay guul ka gaartay seddex arrimood oo aad muhiim u ah;

Arrinta koowaad ayaa ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada taas oo runtii saameyn ku lahayd amni darrada ka jirtay muddo aad u dheer, suurta galna ah in ay ka badan tahay 20 ama 30 sano. Waan idiin kugu hambalyeynaya mudane Madaxweyne arrintaas.

Arrinta labaad ayaa iyaduna ah in Soomaaliya ay ku guuleystay in laga cafiyo deyntii cusleed ee lagu lahaa Dowladda ee ka dhalatay dhaqaaala xumadii soo wajahday Soomaaliya xilliyadii lasoo dhaafay.

Arrinta kale ee muhiimka ayaa ah in Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saarneed laga soo billaabo 1991 xilligaas oo Soomaaliya lagu soo rogay in aysan soo iibsan karin agabyada ciidanka iyo hubka.

Arrintaasna waa guul kale, waana idin kugu hambalyeynaya mudane Madaxweyne waxaana hubaa in hoggaankiina xakiimka ah gaarsiin doono Soomaaliya horumar ballaaran iyo guul nawada farxad gelisa .

Xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya waxa uu ahaa markasta mid adag marka la eego taariikhda fog, runtii waa ku faraxsanahay xiriirkaas.

Waa muhiim inaan halkaan ka sheego inti aan wada hadalka kula jiray Madaxweynaha, waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah, waxaan isku soo qaadnay sidii loo sii hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada kala duwan. Dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo Ciidmada.

Waxaan leeyahay diyaar ayaan u nahay had iyo jeer inaan hormarino xiriirka nagala dhaxeeya walaalaheena Africa iyo Carabta.

Soomaaliyana wa dowlad African iyo Carab ah sida Masar ay u tahay dowlad African iyo Carab isku ah. Waxaana diyaar u nahay inaan dhinac kasta oo suurtagal ah inaan hormarino oo u dhaqaaqno qaab wanaagsan oo xanbaarsan rabitaan lixaad leh.

Waxaan sheegna markasta in Masar aysan faragelineynin arrimaha gudaha ee dowladaha waxeyna dooneysa in la iska kaashado dhanka horumarka

Waxaa jira mowduuc kale oo muhiim ah kaas oo aan kawada hadalnay kuna saabsan heshiiskii dhax maray Somaliland iyo itoobiya kaas oo ku saabsanaa in ( Itoobiya) ay deked ka hesho Badda Cas.

Waxaan sheegnay in Masar ka qaadatay arrintaas mowqif kaas oo aan shaacinay isla markii heshiisku dhacay. Bayaan kasoo baxay wasaaradsa arrimaha dibadda ayaan ku diidnay faragelinta arrimaha Soomaaliya ama in wax loo dhimo madax bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, waana diidnay heshiiskaas. Waxaan markale xoojinaya go’aankaas, waana kawada hadalnay Madaxweynaha.

Waxaan rabaa inaan caddeeyo in iskaashiga iyo in laga wada shaqeeyo dhanka horumarka ay ka wanaagsan yihiin wax kasta oo kale, farriinteyduna kuma socoto oo kaliya Masar iyo Soomaaliya ee waa mid ku socota Itoobiya.

Maanta in arrimahaaga ay kuu fududeeyaan walaalaha Soomaaliya, Jabuuti ama Eritrea waa arrin aad ku heli karto hannaan lawada yaqaan, waxaad fursad u heysataa inaad ka faa’iideysato mid ka mid ah dekedaha dowladahaas mana jiro qof diidaya laakin inaad isku daydo inaad tillaabsato ( boodo) si aad u hesho dhul kale adiga oo u maraya sida heshiiska aad la gashay Somaliland, dabcan ma jiro qof kaa ogolaanaya arrintaas.

Waxaan rabaa inaan sheego Soomaaliya waa dowlad Carab ah oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta waxeyna xaq u leedahay sida uu dhigayo axdiga Jaamacadda Carabta in laga difaaco wixii halis ku ah. Marka aan saas leeyahy uma jeedo inaan cid gooni ah u hanjabno laakin waxana u sheegeynaa si dadku u fahmaan, inaanan ogolaa doonin in Soomaaliya la handado, mana ogolaa doono in cid wax u dhinto Soomaaliya. Arrintaas waxaan u sheegaya si cad, qofna yuusan tijaabin Masar.

Qofna yuusan tijaabin Masar isaga oo isku dayaya inuu handado walaalaheed waliba marka ay walaaluhu dalbadaan in ay ( Masar) garab istaagto. Ma dooneyno wax aan ka ahayn dib u dhis iyo horumar, ma idin ku dheereynayo hadalka, mudane Madaxweyne niyadda kheyr u sheeg insha Allah, ilaah fadligiis waxaan nahay garabkiina, si aan uga shaqeyno horumarka iyo dib u dhiska.

Waxaan leenahay dhamaan dunida aan is kaashano anaga oo wada hadleyna kana fogaaneyna inaan is handadno ama wax u dhimno amniga iyo xasiloonida dowladaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here