Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta sheegay in ilaa shanta urur ee siyaasadeed ee ilaa hadda isdiiwaangaliyay ay yihiin saamilayaasha saxda ah ee siyaasadda Soomaaliya.
Muqdisho
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen ciidamadeeda ku sugnaa deegaanka Buurane ee degmada Mahaday, Hirshabelle.
Jabuuti
Jabuuti waxaa ka qabsoomay shirweyne looga hadlayay horumarinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga,Sanduuqa Madaxa Bannaan ee Jabuuti ayaa soo qaban-qaabiyay wajiga labaad ee Shirka horumarinta maalgashiga Jamhuuriyadda Jabuuti.
DDS
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shalay si rasmi ah u soo xiray tababarka dufcaddii 17-aad ee ciidamada Booliska deegaanka, kuwaas oo muddo lix bilood ah ku jiray tababar adag oo ka socday Dugsiga Tababarka Booliska ee Gaashaanle Khadar.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi Ciro ayaa Madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay masuuliyiinta Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.
Yemen
Isniintii, diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa fuliyay lix duqeyn oo cusub oo ka dhacay dalka Yemen, iyagoo beegsaday deegaanka Al-Ammar ee gobolka waqooyiga ee Sa’da, iyo saddex weerar oo kale oo ka dhacay deegaanka Bani Hassan ee gobolka Hajjah ee waqooyi-galbeed Yemen, sida ay sheegtay warbaahinta Xuutiyiinta.
Suuriya
Isniintii, ciidamada ammaanka Suuriya ee magaalada Homs ayaa xirey sarkaal hore oo ka tirsanaa laanta ammaanka siyaasadda ee xukunka laga tuuray ee Bashaar Al-Assad. Sarkaalkaas ayaa loo gudbiyay hay’adaha garsoorka kadib markii uu qirtay inuu galay dambiyo badan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka gobolka Homs.