Saturday, July 27, 2024

Dab xooggan oo ka kacay suuqa Daraawiishta ee magaalada Beledweyne

Dab xooggan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Daraawiishta magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Bulshada reer Beledweyne oo is kaashanaya iyo booyado ay soo direen shirkadaha ganacsiga ayaa ugu dambayn aroornimadii saakay ku guuleystay daminta dabkaas, lamana oga illa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay.

Goobta uu dabka ka kacay waxaa ka ag dhaw garaash baabuurta lagu cellad bixiyo, maqaayado,, iyo busteejada gawaarida safarka .

Dab-damis la’aan ka jirta guud ahaan magaalada Beledweyne ayay ganacsatadu ku sababeeyeen inay waqti badan qaadato daminta dabka.

Mas’uuliyiinta magaalada ayaan wax hadal ah kasoo saarin heerka khasaaraha hantiyadeed la egyahay iyo sababta ka danbeysay dabka.

Ma aha markii ugu horreysay ee suuq Soomaali leedahay dab ka kaco, waxaana sanadkaan gudihiisa dab qabsaday dhowr suuq oo ku kala yaala qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida, waxaana ganacsatada kasoo gaaray khasaaro hantiyadeed .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here