Saturday, April 19, 2025

Soomalialnd oo ciidamada madaniga uga digtay heysashada hubka iyo gaadiidka

By Sayyid Omar

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Talaadadii ka qeyb-galay munaasabad lagu qaramaynayey cutubyo cusub oo ka tirsan Ciidanka Madaniga ah ee deegaanka Tuurka ee Degmada Gar-Adag.

Munaasabaddan ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciidamo si rasmi ah ugu biiray Ciidanka Somaliland, kuwaas oo wareejiyay gaadiidkoodii dagaalka iyo hubkoodii, si ay uga mid noqdaan ciidanka Soomaaliland .

Madaxweyne ku xigeenka oo ciidamada madaniga uga digaya heysashada hubka iyo gaadiidka dagaalka ee sharci darrada ah, ayaa sheegay in qof walba oo dhuunta uusan qori ama tikniko heysan karin, lagana qaadi doono hubka.

“Hal arrin ayaan maanta idiin xaqiijinayaa, nin walba oo dhuunta iyo nin wareega-ba midna qori iyo tikniko ma haysan karo, oo waanu ka qaadaynaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale Xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba uga qeybgalay munaasabad kale oo lagu qaramaynayey dufcaddii ugu horraysay ee Ciidanka Madaniga ah ee gobolkaas. Ciidankaas iyo gaadiidkooda dagaalka ayaa si toos ah loogu wareejiyey degmada Oog, si ay uga howl-galaan halkaasi.

Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in qorshaha xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Cirro uu yahay mid lagu mideynayo laguna tayeynayo Ciidamada Madaniga ah ee Somaliland.

“Xukumadda waxaa ka go’an in ay qaramayso guud ahaan Ciidamada Maddaniga ah iyo gadiidkoodaba, arrintaasi waa qorshe culus, balse Xukumaddu iyada oo cusub waxa ay door biday in Somaliland ay yeelato hal ciidan oo adag oo ku fillan difaaca iyo amniga Qaranka,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, qaramaynta ciidamadan cusub ee hubeysan aya loo arkaa tallaabo ay Somaliland ugu gogol-xaarayso xasillinta guud ahaan deeganada Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here