Saturday, April 19, 2025
Array

Maraykanka oo Ka fiirsanaya Xaaladda Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya – 10 Abriil 2025:

Weerarada Al Shabaab ee Soomaaliya ayaa sababay walaac gudaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo ku saabsan ammaanka shaqaalaha Mareykanka ee Soomaaliya sida ay qortay new york times. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo in inta badan shaqaalaha laga soo qaado. Si kastaba, arrintani waxay dhalisay doodo gudaha dowladda Trump, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Amniga Mareykanka ay ka cabsi qabaan in xiritaanka safaaradda ay daciifin karto kalsoonida dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo keeni karta burbur degdeg ah.

Mareykanka wuxuu muddo ku dhow labaatan sano ka shaqeynayay Soomaaliya, isagoo bixinayay taageero milatari, oo ay ku jirto tababarka iyo qalabaynta ciidammada Soomaaliya, si loola dagaallamo Al Shabaab.

Weeraradii Hoobiyayaasha ee ugu dambeeyay ee Al Shabaab kusoo qaadeen Muqdisho, ayaa keentay walaac ku saabsan ammaanka safaaradda Mareykanka ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee magaalada. Safaaradda ayaa weli shaqeyneysa,

Iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ay u arkaan in la qaado tallaabo dib u gurasho, kuwa kalena waxay ku doodayaan in hoos u dhigista joogitaanka Mareykanka ay khatar gelin karto horumarka xasillooni ee Soomaaliya ee la dagaallanka Kooxaha ka dagaalama dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here