Saturday, July 27, 2024

Biixi oo ganacasatada kala hadlay saameynta xasaradda Badda Cas

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacasatada, isaga oo kala hadlay saameynta ay ku yeelan karto xasaradda ka taagan Badda Cas isu socodkii ganacsiga Somaliland iyo guud ahaan Gobalka
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Mas’uuliyiinta rugta ganacsiga Somaliland, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo maareyn lahaa saameynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka Badda Cas, kadib weeraradii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay la beegsatay maraakiibta ganacsiga ee Israa’iil.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la diyaariyo qorshe wax looga qabnayo in arrimaha socda ee sameynta culus ku yeelan kara nolosha bulshada.

Ganacsatada ayaa soo jeedisay talooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay oo ay ka mid tahay in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban kaas oo xal waara ka keena dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korortay.

“Sidii uu dagaalka Israa’iil u billaawday Dowladihii wax soo saari jiray ayaa is qabsaday, dabadeedna waxaa halkaas kasoo baxay in ganacsigeeni soo aruuray” ayuu yiri, Jamaal Ceydiid Ibraahim oo ah Guddoomiyaha rugta ganacsiga.

Talooyinka lasoo jeediyay waxaa ka mid ah sidii la isaga kaashan lahaa in la helo wax soo saar ku filan dadka Somaliland iyo keyd si looga baxo ku tiirsanaanta dibadda.

Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay talooyinka ganacsatada ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumaddisa uga go’antahay in ay yareyso caqabadaha iyo dhibaatada ganacsi ee kusoo korortay Gobolka ee taabanaysa nolosha bulshada rayidka ah.

Biixi ayaa kula dardaarmay ganacsatada in ay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhaxdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here