Wednesday, April 16, 2025

Wasaaradda Duulista Puntland oo Beenisay Wararka Joojinta Diyaaradda Star Air

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland ayaa si cad u beenisay wararka ka faafay baraha bulshada ee sheegaya in shaqada diyaaradda Star Air Line ee ka howlgasha Puntland la joojiyay. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland, Abdullaahi Bile Nuur, ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin “been abuur” iyo “macluumaad aan sal lahayn.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale u caddeysay bulshada Puntland, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobollada maamulka, inaysan jirin wax diyaarad shaqada ka joojisay, iyadoo si joogto ah u taageereysa adeegyada diyaaradaha ee ka hawlgala Puntland.

“Diyaaraddu waxay ka socotaa sidii caadiga ahayd. Wararka ku saabsan joojinta shaqada diyaaradaha waa been. Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland waxay sii wadeysaa taageerada iyo kor u qaadista shaqooyinka diyaaradaha ee gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaamtay in wararka ku saabsan joojinta diyaaradaha Star Air Line ay yihiin kuwo ku saleysan macluumaad khaldan oo laga faafiyay baraha bulshada, iyada oo dadka ugu baaqday inaysan ku dhageysan wararka aan la xaqiijin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here