Wednesday, April 16, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Paris

Jabuuti ayaa markale magaca dalka kor u qaaday kadib markii orodyahankeedii caanka ahaa, Ibrahim Xasan Buux, uu kaalinta labaad ka galay tartanka caalamiga ah ee Maratoonka Paris. Ibraahim ayaa tartanka ku dhameystay waqtiga 2 saac iyo 6 daqiiqo, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah orodyahannada ugu fiican dunida ee sanadkan.

Boosaaso

Howlgalka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in, iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya, ay duqeyn diyaaradeed ka geysteen woqooyi bari magaalada Boosaaso.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay taageerada uu muujiyay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ballanqaaday in Mareykanku garab taagan yahay Soomaaliya si ay uga adkaato kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Antalya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo jeedisay Dowladda Mareykanka inay cusbooneysiiso heshiiskii difaaca ee labada dal ay wada galeen sannadkii 1980-kii, sida uu shaaciyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Omar.

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u ballanqaaday in Mareykanka uu si buuxda u taageeri doono shacabka Soomaaliyeed si ay uga adkaadaan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo sidoo kale muujiyay ka go’naanta Mareykanka ee ah in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Muqdisho

Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta loo balansanaa ayaa baaqday. Golaha Shacabka oo maanta qorsheysnaa in ay yeeshaan kulan ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ayaa baaqday, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay baaqashada kulanka.

Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in maamulka SSC-Khaatumo uu hadda yahay maamul ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here