Muqdisho, Soomaaliya – Xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ugu dhawaaqday in SSC-Khaatumo ay tahay dowlad goboleed ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya .
War-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay u aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo Dowlad Goboleed, isla markaana lagu dhammeystiri doono kadib markii ay qabsadaan shirweyne ayna sameestaan heshiiska bulsho (Dastuurka).
“Xukuumaddu waxay go’aansatay in DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka),” ayuu yiri warsaxaafadeedka.
Go’aankan ayeey dowladad sheegtay in uu ka dambeeyay kadib markii la xaqiijiyay go’aanada dadka reer SSC-Khaatumo ee ku aaddan dhismaha hay’adaha dowladnimada, iyadoo sidoo kale si faahfaahsan loo darsay horumarka laga sameeyay dhamaystirka dastuurka iyo diyaar garowga shirka guud ee SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya waxay caddeysay in deegaanada maamulka SSC-Khaatumo aan loo yeeri karin deegaano lagu muransan yahay. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale caddeeyay in maamulka SSC-Khaatumo uu si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC).
Dowladda Federaalka ayaa bishii Oktoobar 2023 si rasmi ah u shaacisay in SSC-Khaatumo uu yahay maamul ku-meel-gaar ah.
Warsaxaafadeedkan wuxuu ka dhigayaa SSC-Khaatumo Dowlad-goboleedkii lixaad ee hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.