Saturday, July 27, 2024

Daadadka Kenya oo saameyn ku yeeshay in ka badan 80,000 oo qoys

Nairobi (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa sheegay in ugu yaraan 80,000 oo qoys ay saameyn ka soo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobabka culus ee waddanka ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.
Gachagua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tirada ismaamullada ee ay daadadka ku dhufteen oo horay ahayd 19 ay hadda gaartay ilaa 33, isaga oo intaas raaciyay in la saadaalinayo in roobabka culus ee El Nino ay sii socon doonaan ilaa horraanta sannadka dambe ee 2024-ta.

Mombasa, Garissa, Tana River, Makueni, Marsabit, Kilifi, Kwale, Meru, Isiolo, Turkana, Samburu, Wajeer, Homa Bay, iyo Busia ayaa magaalooyinka ugu badan ee ay ka jirto dhibaatada ugu daran ee fatahaadaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa caddeeyay in dowladdu xoojisay dadaallada wax loogu qabanayo dadka dhibaatadu soo gaartay, iyada oo la gaarsiiyay dadka barakacay gargaar isugu jira cunto iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah.

Xukuumadda Kenya ayaa u qondeysay lacago gaar ah si dayactir loogu sameeyo kaabayaasha ku buburay daadadka, waxaana hiigan la geliyay hay’adaha caafimaadka si looga hortago cudurada ka dillaaca meelaha biya fadhiisiga ah.

Rigathi Gachagua ayaa ugu baaqay ismaamullada inay lacago dheeraad ah u qoondeeyaan inay kabaan dadaallada dowladda dhexe ee lagu xakameynayo dhibaatada ka dhalatay masiibada dabiiciga ah ee roobabka.
Sidoo kale waxaa uu kula taliyay inay furaan meelaha biya mareenka ah ee xirmay isagoo saaxiibbada Kenya ka codsaday inay sare u qaadaan taageeradooda maaliyadeed, midda farsamo iyo tasiilaadka kale.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa faray muwaadiniinta ku nool meelaha uu joogoodu hooseeyo ama u nugul dhul go’a in ay u guuraan goobaha taagga ah ee ay dowladdu u diyaarisay dadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here