Saturday, April 19, 2025

Somaliland oo walaac ka muujisay maxaabiistii SSC Khaatumo ku wareejisay DF

Wasaaradda Caddaalada Somaliland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay walaac ka qabaan qaar kamid ah maxaabiis ku xirnaa magaalada Laascaanood, kuwaas oo dowladda federaalka kala wareegtay maamulka SSC Khaatumo.

Somaliland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay in ay si cad u jebisay shuruucda caalamiga ah, gaar ahaan Xeerka Saddexaad ee Heshiisyada Geneva ee 1949, kaas oo si gaar ah u ilaalinaya xuquuqda maxaabiista dagaalka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qodobbada 12aad iyo 118aad ee heshiiskan ay dhigayaan in dhammaan maxaabiista dagaalka la marsiiyo habraac sharci ah, iyadoo aan loo eegin da’dooda, arrimo siyaasadeed, ama aan cadaadis la saarin.

Wasiirka Caddaaladda ee Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sifo sharci darro ah ku qaaday maxaabiista, kuna cadaadisay in ay xirtaan dharka calanka Somaaliya.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay si aan sharciga waafaqsanayn u qaaday maxaabiista reer Somaliland. Waxa ay ku cadaadisaysaa in ay xirtaan calan aan calankooda ahayn. Tani waa fal ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xuquuqda maxaabiista,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Somaliland.

Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax wada hadal ah oo ku saabsan isku wareejinta maxaabiista labada dhinac. Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay ka wada hadlaan maxaabiista, iyadoo loo marayo hay’adda Laanqayrta Cas, si loo xaqiijiyo in maxaabiista si sharci ah loogu kala wareego.

Somaliland ayaa ku baaqday in dowladda federaalka ay si degdeg ah ugu wareejiso maxaabiista hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan arrimaha maxaabiista. Wasaaradda ayaa ugu dambayn beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqal-insaanka ka shaqeeya u soo jeedisay in ay si dhow ula socdaan xaaladda maxaabiista Laascaanood laga wareejiyey, isla markaana ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya in ay joojiso faragelinta sharci darrada ah ee ka dhanka ah Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here