Saturday, April 19, 2025

Somaliland oo RW Xamse ku eedeysay dagaal ka dhacay Ceerigaabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa canbaaraysay dagaal shalay ka dhacay deegaanka Dhuurmadare ee gobolka Sanaag, iyagoo ku eedeeyay in uu ka danbeeyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ka dib booqashadii uu ku tegay magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa sheegtay in falalka noocan ah ay si toos ah xadgudub ku yihiin nabadgelyada gobolka iyo xiriirka dawladaha deriska ah, iyadoo sidoo kale loo arko in ay tahay faragelin toos ah oo lagu soo afjarayo xasiloonida Somaliland.

“Tallaabooyinkaas ayaa ah kuwo si toos ah u jebinaya xeerarka nabadda ee gobolka iyo xeerarka xiriirka derisnimada iyo madax-bannaanida. Waqti xaadirkan, Somaliland waxay sii wadaysaa dadaalkeeda ku aaddan xoojinta nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, iyadoo arrintani ay hoos u dhigeyso dadaallada wadajirka ah ee nabadda,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland.

War saxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay si xooggan uga go’an tahay ilaalinta shacabka, ilaalinta madax-bannaanideeda dhuleed, iyo horumarinta nabadgelyada iyo wada noolaanshaha dadka deegaanka.

Somaliland ayaa ugu dambayn ku baaqday in beesha caalamka iyo wadamada gobolka in ay si dhab ah uga fiirsadaan xiisadda sii kordheysa ee ka taagan gobolka, iyagoo taageero siinaya tallaabooyinka lagu xakamaynayo xiisadahan iyo ilaalinta nabadgelyada guud.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here