Saturday, July 27, 2024

Nuxurka khudbadda Xamsa ee shirka Jaamacadda Carabta

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay shir heer wasiireed ah oo Jaamcadda Carabtu maanta ka yeelatay xiisadda kusoo korortay Gobolka Geeska Afrika taas oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Xiisaddaan ayaa timid kaidb markii ay Itoobiya heshiis la gashay Somaliland kaas oo u ogolaanaya in ay hesho Bad ay u adeegsato howlaheeda ganacsi iyo arrimo ciidan.

Xamsa ayaa khudbaddiisa ku sheegay in heshiiskaas uu ka dhiganyahay  xad gudub bareer ah oo lagu sameeyay madax-banaanida, midnimada  dhuleed ee Soomaaliya iyo  xeerarka caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeyay in tillabada Itoobiya ay halis ku tahay dhammaan danaha iyo amniga Dowladaha Carabta, iyada oo ay dhibaato soo gaari doonto isu socoda Badda Cas iyo Baabul Mandab

“Ma dhaawacayo (heshiiska) danaha qaranka Soomaaliya, madax-banaanideeda iyo midnimadeeda oo kaliya balse waxa uu khatar toos ah ku yahay amniga Carabta iyo isu socokda Badda Cas iyo marin biyoodka Babul Mandab”.

Xamsa waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay doneyso in ka faa’iideysato dhibaatada ka jirta caalamka sidaasna ay ku hesho Bad, wuxuuna soo jeediyay in loo midoobo sidii looga hortegi lahaa fara gelinta ay ku heyso aarimaha gudaha Soomaaliya.

“Marka la eego xasaradaha ka taagan Badda Cas, waxaanu aaminsannahay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay qorshe ula kac ah oo uga sii daraya xaaladda Babul Mandab . Tani waxay nooga baahan tahay inaan mideyno ficilkeena wadajirka ah ee si aan uga hortagno faragelinta arrimaha dalalkeenna Carabta”.

Xamsa ayaa waxba kama jiraan ka dhigay in Abiy Axmed uu heysto abaal marinta Nobel Peace Prize, isaga oo ku eedeeyay inuu colaad ka hurinayo Dowladaha deriska la ah oo ay ugu horeyso Soomaaliya.

“Ficilada Abiy Axmed ee ka baxsan xeerarka caalamiga, waxa ay ka hor imaanayaan qiyamka nabadda, isa-saamaxaadda iyo nabad ku wada noolaanshaha, kuwaas oo ah sababihii lagu siiyay abaal marinta Nobel Peace Prize. Abaal marintaas waxa uu adeegsaday inuu ku huriyo dagaal, isaga oo ku xad gudbay madax-bannaanida dowladaha”

Ra’iisul Wasaare Xamsa ma hilmaamin qaddiiyadda reer Falastiin, waxa uuna ugu baaqay Dowladaha Caalamaka in ay cadaadis ku saaran Israel joojinta weerarada ay ku heyso Marinka Gaza, si gurmad loo gaarsiiyo dadka rayidka ah ee dhibaatada ku jira in ka badan 3 bilood.

Shirkaan ay maanta Dowladaha Carabtu ka yeesheen xiisadda ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ayaa yimid kadib markii uu Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar, uu 4-tii bishan u gudbiyay Ururka Jaamacadda Carabta codsi ah in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan dalalka Carabta, si looga hortago heshiiska ay Soomaaliya ku tilmaamtay sharci darro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here