Friday, June 27, 2025

Garissa oo bilawday Ololaha Tallaalka bilaashka ah ee xoolaha

Garissa, Kenya – Dowladda deegaanka Garissa ee Kenya ayaa bilawday ololaha tallaalka bilaashka ah ee muddo 10 maalmood ah, iyadoo lagu tallaalayo in ka badan 600,000 oo xoolo ah oo ku yaal degmooyinka Dadaab iyo Fafi sida ay sheegtay wakaalada Wararka Kenya.

Ololahan, oo qayb ahaan ay maalgelinayso Hay’adda Qaxootiga Denmark, ayaa lagu tallaalayaa Ariga Lo’da, Geela, iyo Idaha si looga hortago cudurrada qaar ee xoolaha ku dhaca.

Sida Wakaalada sheegtay, Milgo Dubow, Xubinta Fulinta ee Xafiiska Xoolaha, oo la hadlay saxaafadda kadib markii ololaha lagu bilaabay Dadaab, ayaa carabka ku adkeysay in labada degmo ee Dadaab iyo Fafi loo tixgelinayo mudnaanta sare sababtoo ah khataraha joogtada ah ee ka imanaya Cudurrada Xoolaha ee Isku Xiran (TADS).

“Fiditaanka cudurrada xoolaha ee halista ah waxay sababi karaan khasaare weyn. Dhaqashada xoolaha waa laf dhabarta ku tiirsan 90% dadka ku nool labada degmo, taasina waa sababta aan u bilaawnay hawshan qiimaha leh,” ayay tiri Dubow.

Waxay intaas ku dartay in tallaalkan uu kaalin weyn ka qaadan doono dhisida difaaca xoolaha, taas oo kordhin doonta wax-soo-saarka iyo dakhliga, iyadoo wareegga labaad ee tallaalka la qorsheeyay in lagu bilaabo Juun 2025.

Marxaladda koowaad waxay diiradda saari doontaa xeryaha qaxootiga iyo bulshooyinka martida loo yahay, halka marxaladda labaadna lagu beegsan doono deegaanada bulshada martida ah ku hareereesan.

Milgo Dubow ayaa sidoo kale ku boorisay mulkiilayaasha xoolaha ee ku nool goobaha la beegsanayo inay keenaan xoolahooda si loo tallaalo, iyadoo hawshan sidoo kale lagu dari doono kantaroolka jeermiska, daaweynta xaaladaha caafimaad.

Guddoomiyaha Gudiga Horumarinta ee Fafi, Cali Xareed, ayaa u mahadceliyay dowladda deegaanka Garissa oo soo diyaarisay ololahan, isagoo xusay in cudurrada xoolaha ay caadi ahaan ku dhici jireen xilliyada roobka.

“Ololaha tallaalka ayaa yimid waqtiga ugu habboon, gaar ahaan iyadoo aan hadda helayno roobab. Waxay si weyn u yareyn doontaa khasaare xoolaha ah kadib roobabka,” ayuu yiri Cali.

Khaliif Jeelle, Guddoomiyaha Bulshada Qaxootiga ee Hagardheer, ayaa soo dhaweeyay ololaha, isagoo sheegay inay tahay tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ee loogu talagalay qaxootiga.

“Inkasta oo aan ku jirno xero qaxooti, haddana inta badan qaxootigu waxay haystaan xoolo ay kaga noolaadaan. Waa ficil wanaagsan oo aan si weyn u qadarin doonno,” ayuu yiri Jeelle.

Jeelle ayaa sidoo kale codsaday in muddada tallaalka la kordhiyo haddii dhammaan xoolaha ay dhammaan waayaan mudada 10-ka maalmood ah. Xoolaha ayaa ah tiirka dhaqaalaha ugu muhiimsan ee  ay ku tiirsanyihiin 80% dadweynaha ku nool gobolka Garissa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here