Wednesday, April 23, 2025
Array

Somaliland oo Ballan-qaaday Xeerka Ka-hortagga Qabyaalada.

Hargeysa, 22 Abriil 2025 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa ku dhawaaqay in uu soo bandhigi doono sharci cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka qabyaalada iyo saamaynteeda burburinta bulshada. Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli uu ka qeyb-galay Shirweynaha Dhaqanka ee Somaliland, isagoo sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin sharci oo wax ka qabanaya khatarta qabyaaladda.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan welwelro ku saabsan sida qabyaaladda, oo ah caqabadda muddo dheer haysatay Somaliland, ay u wiiqeyso isku duubnaanta bulshada.

 ” Anagu Ka Wasaarad ahaan waxaanu soo wadnaa Sharci aanu Golaha keeni doono oo aanu ku xakameyneyn doono qabyaalada” ayuu yiri wasiirka Sandheere.

Shirweynahan Dhaqanka, oo diiradda saaraya ilaalinta iyo kor u qaadista dhaqanka Somaliland, ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland, kaas oo taageeray kulankaan looga hadlayay dhaqanka. Madaxweynaha ayaa muujiyay muhiimadda midnimada iyo wada shaqeynta dhammaan qaybaha bulshada si loo ilaaliyo nabadda iyo in Somaliland ay sii wado horumarkeeda.

Sharciga la soo jeediyay, marka uu gaadho Golaha Wakiillada, ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo muhiim ah oo looga hortagayo caqabadaha qabyaaladda ee bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here