Thursday, April 24, 2025

DDS oo ku baaqday in dhalinyarada la dagaallamaan Mashaqaystenimada

Jigjiga, Itoobiya – Magaalada Jigjiga ayaa martigelisay shirweynaha dhalinyarada ee dowlad deegaanka Soomaalida, kaasoo si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Shirkan oo socon doona saddex maalmood ayaa shalay furmay isagoo isu keenay boqolaal dhalinyaro ah oo ka kala yimid 11-ka gobol ee deegaanka. Ujeedada shirweynahan ayaa ah in dhalinyaradu ka arrinsadaan waxbarashada, shaqo abuurka, iyo kaalintooda ku aaddan horumarinta bulshada.

Munaasabadda Furitaanka Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha DDS,madaxweynha dhallinyarada DDS Fu’aad Gana, Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, oo khudbad ka jeediyay furitaanka, ayaa si adag u cambaareeyay dhaqanka mashaqaystenimada, isagoo dhalinyarada ku dhiirrigeliyay in ay iska fogeeyaan aragtiyada niyad-jabka ku saleysan.

“Dhalinyartu waa laf-dhabarta bulshada. Ma aha in ay qaataan aragtiyo ay ka mid tahay ‘aniga wax ima qabanayo’, ama in shaqo la sugo iyadoo aan dadaal jirin. Aragtidaas sax maaha,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa caqabadaha horyaalla dhalinyarada, gaar ahaan dhanka shaqo abuurka iyo waxbarashada. Waxaa la filayaa in doodaha iyo kulammada la qaban doono ay horseedaan talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo mustaqbalka jiilka cusub ee deegaanka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here