Sunday, May 19, 2024

Siyaasiyiinta Waqooyi-Bari oo ku baaqay in la baaro sunta lagu daadiyay gobolka

Garissa (Dawan)- Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Waqooyi-Bari Kenya ayaa sheegay in ay sameeyeen Madal cusub oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka jira gobolka sida amni xumada iyo baaritaanka sunta nukliyeerka ah ee lagu daadiyay gobolka Waqooyi-Bari.

Madasha ayaa sidoo kale diiradda saari doonta horumarinta arrimaha bulshada iyo mashaariicda oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka gobolka.

Goddoomiyayaal iyo Xildhibaano hore looga soo doortay ismaamulada Garissa, Wajeer, iyo Mandheera ayaa ku mideysan Madashan cusub kuwaas oo sida ay sheegeen u istaagay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay bulshadu ka cabaneyso ee dhanka hormarka

Barasaabkii hore ee Garissa Cali Bonow Korane oo waxyabaha shirka ka soo baxay u akhriyay warbaahinta ayaa sheegay in Madashan ay ku bahoobeen dhammaan madaxdii  hore ee gobolka, iyada oo soo bandhigi doonta jawi siyaasadeed oo ku habboon si loo gaaro horumarka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ee aad loogu baahan yahay.

Dhanka amniga, wuxuu xusay in kooxda Al-Shabaab ay weli caqabad weyn ku tahay horumarka iyo hore u socodka gobolka.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka dayriyey burburka baaxada leh ee ka dhashay roobabkii da’ay iyo fatahaada jaray waddooyinkii ay shacabka Waqooyi-Bari u adeegsan jireen in ay ugu safran dalka intiisa kale, waxayna ugu baaqeen dowladda in la dardar geliyo mashaariicda ay ka mid tahay dhisidda waddada Isiolo iyo Mandheera, taas oo ay xuseen in ay fududeyn doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha, isla markaana ay gacan ka geysan doonto ballaarinta dhaqaalaha.

Waxa ay sidoo kale ku baaqeen in baaritaanno lagu sameeyo wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsanaa sunta Nukliyeerka ah ee lagu daadiyay gobolka, iyagoo sheegay in ay khatar ku tahay mustaqbalka bulshada Waqooyi-Bari.

Horaantii bishii April, Cyrus Jirongo oo ah Xildhibaanki hore ayaa daaha ka qaaday in Madaxweynihii hore dalka Daniel Moi uu si bareer ah ugu daadiyay sunta nukliyeerka Waqooyiga Kenya, taas oo keentay in kiisaska kansarka uu aad ugu bato gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here