Djibouti: Shiinaha iyo Jabuuti waxay isla meel dhigeen horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan waxsoosaarka cusbada.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Jabuuti, Yoonis Cali Geedi, oo dhawaan gaaray dalka Shiinaha, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka shirkadaha Jabuuti ay iskaashiga howleed la leeyihiin ee China.
Kulanka, oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta shirkadda Haiwang Chemical, oo ah shirkad Jabuuti kala shaqeysa soosaarista cusbada, ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta waxsoosaarka cusbada ee Jabuuti.
Wasiir Yoonis Cali Geedi ayaa kulanka kusoo bandhigay sida Jabuuti uga go’an tahay horumarinta kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan kor u qaadista waxsoosaarka cusbada ee deegaanka Lagcasal.
Wasiir Geedi ayaa sidoo kale sheegay in kulankaan uu yahay mid qeexaya xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Shiinaha, kaas oo soo bilowday 1979. Iskaashigan ayaa si weyn uga qeyb qaatay horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha dalka Jabuuti, iyadoo Shiinaha uu ka mid yahay maalgashadayaasha ugu waaweyn ee jabuuti .
Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Jabuuti ayaa sii xoogaystay, iyadoo Shiinaha uu door muhiim ah ka ciyaaray maalgashiga jabuuti , gaar ahaan dhinacyada warshadaha cusbada iyo kheyraadka dabiiciga ah. Shirkadaha Shiinaha ayaa sidoo kale ka qeybqaata horumarinta kaabayaasha muhiimka ah sida dekedaha, tareenada, iyo mashaariicda tamarta.