Muqdisho, Soomaaliya – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo rabshado watay oo ka dhacday gudaha Golaha Shacabka, iyagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka inay si toos ah u weerareen xildhibaanno iyo saxafiyiin madax-bannaan.
War-murtiyeed si wadajir ah ay u soo saareen xalay madaxweynihii hore ee Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu sheegay in falalkaasi ay yihiin tacaddi iyo cabsi-gelin ka dhan ah xasaanadda xildhibaannada, xorriyadda saxaafadda, sumcadda dowladnimada, iyo haybadda Golaha Shacabka.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falka gacan-ka-hadalka ah ee ay geysteen qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka, oo loogu baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado mas’uuliyiinta ku lugta leh dhacdadan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale eedeyn toos ah u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), iyagoo ku tilmaamay in hadallada aflagaadada ah ee uu jeediyay ay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xilka uu hayo iyo mas’uuliyadda laga filayo inuu ka guto xilkiisa.
Waxay xuseen in Aadan Madoobe horey xilka looga qaaday sanadkii 2011, sababo la xiriiray eedeymo la mid ah kuwa hadda lagu wajahayay, taasoo ay sheegeen inay muujinayso soo noqnoqoshada dabeecad xadgudub ah oo wax u dhimaysa kalsoonida shacabka.
“Waxaan ugu baaqeynaa Guddoomiyaha inuu si buuxda ugu hoggaansamo sharciga, kana fogaado ficillo xadgudub iyo danaysi shaqsiyeed ah oo dhaawacaya sumcadda Baarlamaanka iyo hay’adaha dowladeed ee dalkan,” ayay yiraahdeen madaxda mucaaradka ee war-murtiyeedka saxeexay.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajahayso xaalad siyaasadeed oo kacsan, iyadoo Golaha Shacabka uu si joogto ah uga dhex aloosan yahay muranno sharciyeed, mooshinno iyo khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeya xildhibaanno iyo madaxda sare ee dowladdu.