Friday, May 2, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Xuddun u Noqday Xasarad Siyaasadeed

Soohoyde

Tan iyo 15-kii Maarso 2025, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya. Xiisaddaas ayaa sababtay buuq, dib-u-dhac ku yimid fadhiyada, iyo mooshin xil-ka-qaadis ah oo laga wado Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Khilaafka wuxuu ka bilaawday markii Guddoomiye Aadan Madoobe uu si kaligiis ah xilka uga xayuubiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, oo ku fadhiyay kursiga HOP#201. Waxa uu ku eedeeyay inuu ka maqnaa labo kalfadhi oo xiriir ah isagoo aan bixin cudur daar la aqbali karo. Go’aankaas ayuu ku saleynayay qodobka 8-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaasoo dhigaya in xildhibaan lumi karo xubinnimada haddii uu maqnaado labo kalfadhi oo xiriir ah sababo aan sharciyeysaneyn.

Hase yeeshee, arrintan ayaa dhalisay muran sharciyeed oo ah ma yahay cidda sharcigaas qaadeysa iyo sidee loo maryaa.Xildhibaanno badan ayaa ku dooday in go’aankaasi yahay mid aan sharci ahayn, maadaama sida uu qodobka 50-aad ee Xeer-hoosaadka sheegayo, Guddiga Xeer-hoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanaddu kaliya uu xaq u leeyahay inuu talo ka bixiyo arrimaha la xiriira luminta xubinnimada.

19-kii Abriil, xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inay wadaan mooshin ka dhan ah falkaas uu xil ka xayuubinta ah ee uu sameeyey guddoomiyaha. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa mooshinka ku tilmaamay sharci-darro, isagoo diiday inuu qabto mooshinka . Buuqa ka dhashay ayaa sabab u noqday in fadhigu u furmi waayo.

Xildhibaannada mooshinka waday ayaa ku dooday in Guddoomiyuhu jebiyay xeer-hoosaadka, gaar ahaan qodobka 50-aad, sidaas darteedna uusan sii hogaamin karin Golaha.

27-kii Abriil, xildhibaannadaas ayaa kulan kale yeeshay si ay uga wada tashadaan tallaabada xigta.Waxay sidoo kale sheegeen in ay hayaan mooshin dhameystiran oo ay saxiixeen in ka badan 100 xildhibaan, isla markaana ay diyaar u yihiin in Baarlamaanka la horgeeyo.

Laba maalmood kadib, 29-kii Abriil, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray warqad uu go’aankii hore ee xil-ka-xayuubinta dib ugu celinayo Guddiga Anshaxa si ay uga soo talo bixiyaan.

Laakiin isla maalintaas, xildhibaannada mooshinka watay waxay sheegeen in warqaddaasi aysan ahayn mid rasmi ah. Waxay ku doodeen in aysan lahayn tixraac dowladeed iyo saxiixa guddoomiyaha, sidaas darteedna ay u arkaan inay tahay marin habaabin siyaasadeed. Waxay mar kale adkeeyeen inay sii wadi doonaan mooshinka xil-ka-qaadista.

30-kii Abriil, fadhigii Golaha ayaa dib u furmay, balse waxaa hareeyay buuq iyo mudaharaad ay sameeyeen xildhibaannada mooshinka watay. Astaamo diidmo ah ayaa laga arkay gudaha xarunta, waxaana ugu dambeyn fadhigii galay gacan-ka-hadal, taasoo keentay in Guddoomiyuhu si degdeg ah u xiro kulanka.

Habeennimadii isla maalintaas, Guddoomiyaha ayaa soo saaray amar uu 24 xildhibaan kaga mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha Shacabka. Badi xildhibaannadaasi waxay ahaayeen kuwii saxiixay mooshinka. Arrintooda waxaa loo gudbiyay Guddiga Anshaxa si go’aan looga gaaro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here