Saturday, July 27, 2024

Geelle oo Dooxa uga qeyb gelaya bandhig caalami ah

Doha (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa, si uu uga qeyb galo furitaanka Carwadda Bandhigga Dhireynta iyo wax soo saarka dhulka ee Dooxa 2023.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda, waxaa garoonka Hamad International Airport kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar iyo safiirka Jabuuti u jooga Dooxa, Dayib Dubbad Rooble.

Ujeedka Bandhiggaan ayaa ah in lagu dhiirri geliyo bulshada caalamka sidii looga hortegi lahaa xaalufinta deegaanka iyo kor u qaadista wacyiga laga haysto isbeddelka cimilada, waxaana la filayaa in ay soo booqdaan bandhigga dad gaaraya ilaa seddex milyan, mudda uu socdo.
Madaxweyne Geelle ayaa inta uu joogo magaalada Dooxa, waxa uu la kulmi doona madaxda Qatar iyo mas’uuliiyiinta ka socota caalamaka si uu ugala hadlo xoojinta xiriirka siyaasadeed ee Jabuuti iyo dalalka kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here