Sunday, June 29, 2025

Somaliland oo mashruucyo horumarineed u ballanqaaday Ceel Afweyn

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay mashruucyo horumarineed oo laga hirgelin doono degmada Ceel Afweyn, kadib markii la soo gabagabeeyay Shirweynihii Nabadaynta Beelaha ee deegaankaasi.

Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay khudbada uu ku soo dhaweenayey shirka nabadda ayaa sheegay in Somaliland ay si buuxda u garab taagan tahay dadka deegaanka Ceel Afweyn, isla markaana ay ballanqaadeyso in ay kordhin doonto adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee degmadaasi.

Waxa uu sheeygay in degmadaasi ay heli donto laba mashuuc oo uu mif yahay Machad Farsamada Gacanta iyo Tababarrada Xirfadaha ee Ceel Afweyn halka Mashruuca kale ee horumarineed lagu wado in uu ku dhawaaqo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, sida uu caddeeyay Madaxweynaha

“Maanta cidda hawsha u taallaa waa xukuumadda Somaliland, waxaana balan qaadaynaa in la xoojiyo adeegyada dowladda. Waxaan u dhawaaqayaa mashruuca laboo ah in la hirgeliyo mis waa Machad Farsamada Gacanta iyo Tababarrada Xirfadaha ee Ceel Afweyn mid kalana madxweyne ku xigeenka ayaa ku dhawaaqi doona,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in himiladiisu tahay in machadkan uu noqdo xarun ay kasoo baxaan farsamayaqaano xirfad leh oo ka qeyb qaata horumarinta suuqyada shaqo ee Somaliland. Waxa uu sidoo kale xusay in la xoojin doono amniga degmada si looga hortago wax kasta oo keeni kara khilaaf, isagoo carabka ku dhuftay in si gaar ah loo eegiu doono cid kasta oo hub sharci darro ah haysata.

Ku dhaqaaqiddaan ayaa imaaneysa xilli shirkii nabadda ee Ceel Afweyn lagu soo gabagabeeyay is-afgarad iyo heshiis wada-jir bulsho oo ka hirgala gobolka Sanaag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here