Muqdisho:
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magacaabay guddi gurmad oo degdeg ah, si ay uga jawaabaan dhibaatadii ka dhalatay roobabkii xooganaa ee dhowaan ka da’ay magaalada Muqdisho, gudigaan ayaana ka kooban Tobban xubnood .
Madiina
Waxaa magaalada barakeysan ee Madiina si rasmi ah u gaaray xujeydii ugu horreysay ee sanadkan ka ambabaxday dalka Jabuuti, kuwaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Boqor Maxamed Bin Salmaan.Xujeydan ayaa tiradoodu gaaraysaa 350 qof, oo isugu jira rag iyo dumar,
Muqdisho:
Agaasinka Waxbarashada ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Dhexe, kaasoo loo qorsheeyay inuu bilowdo Isniinta, 9-ka Juun 2025, guud ahaan gobollada dalka.
Jigjiga
Magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), ayaa waxaa ka qabsoomay shir muhiim ah oo lagu falanqeeyay caqabadaha ka jira dhanka waxbarashada, laguna raadinayay xalka suurtagalka ah ee lagu horumarin karo tayada waxbarashada gobolka
Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa si rasmi ah uga bilowday tababar ciidan oo loo furay 200 oo askari oo ka mid noqon doona Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Tababarkan ayaa waxaa furay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
India/Pakistan
Xabbad-joojinta u dhexeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa weli u muuqata mid sii socota, inkasta oo ay jireen eedeymo is-dhaafsi ah oo labada dhinacba midba midka kale ku eedeeyay jebinta heshiiska, Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Bangaladesh,Qatar,Turkiga iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahaayeen in ka badan 30 dal.