Saturday, July 27, 2024

Midowga Yurub oo Kenya siiyay amaah ka badan 70 milyan oo Euro

Brussels (Dawan)- Midowga Yurub ayaa dowladda Kenya siiyay amaah lacageed oo gaaraysa 11.5 bilyan oo shilin oo u dhiganta 72 milyan oo Euro
Lacagtaan ayaa loo qorsheeyay in wax looga qabto barnaamijyada dhanka deegaanka , maamul wanaagga , nabad gelyada iyo xasiloonida.
Waxaa heshiiska deyntaan lagu bixiyay magaalada Brussels ee dalka Belgium ku kala saxiixday Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua iyo Madaxa Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa sheegay in amaahda la siiyay dalkiisa ay kalin weyn ka qaadan doonto hormarinta adeegyada bulshada si wax looga beddelo qaab nololeedka muwaadiniinta Kenya.

Rigathi Gachagua, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dowladda uu hoggaaminayo William Ruto xoojinta iskaashiga Midowyga Yurub, wuxuuna ka mahadceliyay taageerada ay markasta la garab joogaan Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, ayaa ka qaybgelaya shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya, oo sannadkaan looga doodayo arrimo ay ka ma mid yihiin, Tamarta, Waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha digital-ka.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here