Monday, May 12, 2025

200 Askari oo Ku Biiraya Ciidanka Asluubta Soomaaliya

Gaalkacyo –Tababar ciidan ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Gaalkacyo, kaas oo loo furay 200 oo askari oo noqon doona qeyb ka mid ah Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Askartan ayaa la qorsheynayaa in ay ka howl-galaan deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si rasmi ah u daah-furay tababarka, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in ciidanku yeesho tayo iyo anshax, wuxuuna xusay in laga sugayo mas’uuliyad adag.

Anaga halkaan waxaan u nimid inaan idin qorno oo idin xarayno. Galmudug ayaa iska leh ciidankan, Hiiraan oo wadata Hirshabeelle ayaana qeyb ka ah. 200 oo askari ayaa la idinka rabaa,” ayuu yiri Taliye Mahad.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Mudug oo madasha ka hadlay, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim u ah xasilinta iyo amniga deegaanka. Wuxuu ciidamada kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo ka madax-bannaan qabyaalad iyo isticmaalka maandooriyaha, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo ciidan wacyi leh oo u heellan difaaca shacabka iyo daryeelka maxaabiista.

Askartan tababarka loogu furay Gaalkacyo ayaa ah dufcaddii labaad ee laga qoro Galmudug, waxaana lagu tababari doonaa Dugsiga Tababarka Ciidanka Asluubta ee magaalada Gaalkacyo. Dufcaddii koowaad ayaa horay u soo dhammeysatay tababarkooda, waxaana ay ka koobnaayeen 100 askari oo hadda ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here