Qorraxay, DDS – Wasiirka Xafiiska Biyaha Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS), hawlwadeennada xafiiska iyo maamulka degmada Boodaley ayaa kormeeray 6 ceel-biyood oo laga qodayo magaalada Galadiid ee gobolka Qorraxay, kuwaasoo qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu xallinayo baahida biyaha ee deegaanka.
Mashruucan ceel-qodista oo ay maalgelinayso Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Dowladda Federaalka Itoobiya (JDFI) ayaa waxaa dhameystirmay laba ceel, laba kalena shaqo ayaa ka socota, halka labada kale dhawaan la bilaabi doono. Guud ahaan mashruucan waxaa ku baxaya lacag dhan 101 milyan oo birr.
Masuuliyiinta, oo socdaalkooda kormeerka sii wata, ayaa sidoo kale gaadhay magaalada Dhagaxbuur. Halkaas ayay kormeereen mashruuca biyo-galinta magaalada, iyagoo indha-indheeyay ceelasha biyaha ee Tawlane, haanta weyn ee kaydka biyaha, xafiiska cusub ee wakaaladda biyaha, iyo qaabka ay u socoto biyo-galinta xaafadaha magaalada.
Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday ayaa si wadajir ah ula kulmay shirkadaha fulinaya mashruuca, waxayna si qoto dheer u qiimeeyeen heerka uu marayo mashruuca biyo-galinta. Waxaa la isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo in bulshada Dhagaxbuur ay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah.