Tuesday, May 13, 2025

Somaliland oo Cabasho ka ah Dowladda Soomaaliya.

Hargeysa, 13 May 2025 – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Ciro, ayaa khadka taleefanka kulan sagootin ah kula yeeshay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Mike Nithavrianakis, oo dhawaan dhammeystiraya muddo-xileedkiisii diblomaasiyadeed.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Danjiraha dedaalkii uu geliyay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan taageerada ay siiyeen Somaliland dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.

Intii uu socday wada hadalka, Madaxweyne Ciro ayaa si cad ugu muujiyay Danjire Mike Nithavrianakis walaaca Somaliland ka qabto faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliland, isaga oo ku tilmaamay falalkaasi kuwo dhaawacaya geeddi-socodka nabadda iyo xasiloonida gobolka.

“Madaxweynaha waxa uu danjiraha la wadaagay sida ay uga xun yihiin faragelinta qaawan ee dowladda Soomaaliya ku hayso midnimada iyo madax-bannaanida Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada.

Danjire Mike Nithavrianakis  waa danjiraha boqortooyada ingiriiska ufadhiya soomaaliya iyo somaliland ee xilka kasii dagaya, mike waxaa badalaya xilkiisa  danjiranimo Charles Nicholas oo hada ah danjiraha boqortooyada ingriiska ee somalia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here